Shil dhimasho iyo dhaawac sababay oo ka dhacay Magaalada Muqdisho

Ugu yaraan labo qof ayaa ku dhimatay, tiro kalena wey ku dhaawacmeen ka dib markii galabta shil gaadiid uu ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Shilkan oo ka dhacay agagaarka Ex-Warshadii caanaha ee degmada Hodan ayaa yimid ka dib markii ay fooda is dareen gaari caasi ah iyo mooto bajaaj si lama filaan ah.

Labada qof ee geeriyootay ayaa kala ahaa darawalka mooto bajaajka iyo haweeney la socotay, iyadoo ay dhaawacyo soo gaareen caruur ay wadatay haweeneyda geeriyootay.

Caruurta shilkan ku dhaawacmay oo ay u gurmadeen shacab goobta ka dhowaa ayaa loola cararay goobaha Caafimaadka, iyadoo shilalka noocan ah ay had iyo jeer ku soo laalaabtaan magaalada Muqdisho.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -