Allbanaadir.com
JUBALANDNEWS

Daawo Sawirada: Qaabkii ay ciidanka Milatariga usoo bandhigeen Sargaal katirsan Al Shabaab

Ciidamada Milatariga Soomaaliya ee ka howlgala gobolada Jubooyinka ayaa gacanta ku dhigay nin dhalinyaro ah oo la sheegay in uu katirsanaa saraakiisha dagaalyahanada Al Shabaab.

Howlgal ay su wadajir ah u fuliyeen ciidamada Milatariga Soomaaliya iyo kuwa Maamulka Jubbaland ayaa lagu soo qabtay  Ibraahim lujeende Maxamed oo la sheegay in uu kamid ahaa saraakiisha Al Shabaab u qaabilsan dhinaca sirdoonka.

Sargaal u hadlay ciidanka Milatariga Soomaaliya ayaa sheegay in sargaalkan gacanta kusoo dhigeen ,waxa uuna xusay in sargaalkan Al Shabaab katirsanaa mudo 10-sano ah kana mid ahaa saraakiisha u qaabilsan xograadinta.

Waxa uu sidoo kale sheegay in ninkan ay qabteen uu qeyb ka ahaa dagaalkii Al Shabaab ku qaadeen deegaanka Ceel Cadde ee gobolka Gedo halkaas oo lagu laayay ciidamo badan oo u dhashay dalka Kenya.

Al Shabaab ayaan dhankooda ka hadlin warkan kasoo baxay milatariga Soomaaliya ee ku aadan in sargaal kooxdaasi katirsanaa la qabtay, mana jiraan ilo kale oo madax banaan oo warkan xaqiijiyay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Farmaajo oo kulan xasaasi ah la qaatay Guddoomiyeyaasha labada aqal ee Baarlamanka (Sawirro)

Caydiid Ali

Wadada isku xirta Muqdisho & degmada Jowhar oo dib u dhis lagu bilaabay (Sawirro)

Caydiid Ali

Farmaajo oo ka qeyb galay Caleemo saarka Madaxweynaha cusub ee dalka K/Afrika (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---