Xuutiyiinta dalka Yaman oo gudaha u galay dalka Sacuudiga

Kooxda Xuutiyiinta dalka Yaman ayaa la sheegay in ay weerar ku qaadeen gudaha dalka Sacuudiga, waxa ayna kooxdaasi ku faantay in ay qabsaday goobo badan oo katirsan dhulka Sacuudiga.

Sargaal u hadlay Kooxda Xuutiyiinta  ayaa sheegay in 20 goobood ka qabsadeen ciidamada dowlada Sacuudiga, kadib markii ay gudaha u galeen gobalka Najran ee koonfurta wadanka Sacuudiga.

Baraha Internetka ee taageera kooxda Xuutiyiinta ayaa baahiyay sawiro iyo muuqaalo laga soo qaaday maleeshiyaadka xuutiyiinta oo weerar ku qaadaya goobo ay ku sugnaayeren ciidanka Difaaca Sacuudiga.

Kooxda Xuutiyiinta ee dalka Yaman ayaa marar badan weeraro duqeymo ah oo ay u adeegsadeen gantaalo iyo diyaarado drone la beegsaday magaalooyinka & Xarumaha shidaalka ee Sacuudiga.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -