Farmaajo oo kulan xasaasi ah la qaatay Guddoomiyeyaasha labada aqal ee Baarlamanka (Sawirro)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan gaar ah la qaatay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi.

Labada Guddoomiye ayaa Madaxweynaha uga warbixiyey shaqooyinkii u qabsoomay Labada Gole muddadii lasoo dhaafay, iyagoona dul istaagay dadaallada joogtada ah ee mudaneyaasha Baarlamaanku ay ugu jiraan dejinta iyo ansixinta sharciyada dalka.

Madaxweynaha ayaa adkeeyey muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo wada shaqeynta Labada Gole ee Baarlamaanka, si ay u horseeddo qorshe iyo waxqabad mideysan oo sal dhig u noqda xaqiijinta himilooyinka shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Farmaajo iyo Guddoomiyeyaasha Labada Gole ee Baarlamaanka ayaa isla qaatay dardar gelinta howlaha horyaalla Baarlamaanka, kuwaas oo ay ka mid yihiin meel marinta 29-ka hindise sharciyeed ee Xukuumaddu ay gudbisay.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kula dardaarmay Mudaneyaasha Baarlamaanka in ay ansixiyaan shuruucda hor-tabinta leh, ka hor xiritaanka kalfadhiyada Labada Gole ee haatan socda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -