Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dabley hubeysan oo lagu qabtay Muqdisho & ciidanka Booliska oo ka hadlay

Taliska Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa ka hadlay howlgal Ciidamada ka fuliyeen Suuqa Bakaaraha, degmada Howl-wadag oo lagu qabtay Koox Burcad ah.

Taliye kuxigeenka Ciidanka Booliska Zakiye Xuseen ayaa shaacisay in Ciidamada Booliska ay gacanta ku dhigeen laba nin oo Burcad ahaa, kuwaas oo dhac ka geysanayay gudaha Suuqa Bakaaraha, kadib markii laga war helay.

“Ciidamada Boliiska degmada Howlwadaag ayaa ku guuleystay inay gacanta ku soo dhigaan labo burcad oo hubaysan oo bulshada ku dhacaayay suuqa Bakaaro. Waxaan shacabka degmada ugu mahad celineenaa gacan siinta soo qabashada burcadka” ayay tiri Zakiya Xuseen oo magaca Booliska kula hadashaa warbaahinta.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Wareegto ka soo baxday xafiiska Shariif Xasan oo lagu magacaabay Masuuliyiin cusub (Akhriso)

Caydiid Ali

Mid ka mid ah fanaaniintii caanka ahaa ee hobolada Waaberi oo geeriyooday

Caydiid Ali

Baarlamanka Itoobiya oo go’aamiyey in xiriirka loo jaro Ismaamulka Tigray

Caydiid Ali
Taboola Ads ---