Baarlamanka Itoobiya oo go’aamiyey in xiriirka loo jaro Ismaamulka Tigray

Baarlamanka Itoobiya ayaa dood dheer ka dib u codeeyey in dowladdu xiriirka u jarto maamulka dowlad goboleedka Tigray oo lagu eedeeyey inuu ka hor yimid dowlada dhexe, markii uu qabtay doorasho, xili dib loo dhigay doorashooyinkii dalkaas ka qabsoomi lahaa bishii Agoosto cudurka Coronavirus awgiis.

Gudoomiyaha Aqalka Sare ee dalka Itoobiya Aadan Faarax ayaa sheegay inay amreen in dhammaan miisaaniyada lacageed ee heer qaran laga jaro Maamulka Tigray ee woqooyiga Itoobiya.

Waxaa uu intaa ku daray in aanu wax sharciyad ah ku fadhiyin maamulkaas fallaagoobey, sidaas awgeed aan la siin karin wax adeeg dawladeed ah.

Miisaaniyadooda ayaa loo qeybin doonaa Maamul-gobaleedyada kale ee Itoobiya oo sidoo kale laga mamnuucay iney la macaamilaan, isagoo xusay in haddii maamulkaas uu ka waantoobi waayo talaabooyinka uu qaaday uu la kulmi doono ciqaab tan ka kulul.

Go’aanka xiriirka loogu jaray saraakiisha dowladda Tigrayga ayaan saameyn doonin mas’uuliyiinta dowladaha hoose ee gobolka ee adeegyada aasaasiga ah siiya shacabka sida Caafimaadka iyo Waxbarashada.

Maamulka Tigray ayaa shaaciyey inaysan aqoonsaneyn Baarlamaanka Federaalka Itoobiya  kadib markii uu wakhtigooda ka dhamaaday 5-tii October, iyagoo intaas ku daray inaysan la shaqeyn doonin xukuumada Ra’isal wasaare Abiy Ahmed, waxayna ugu baaqeen xubnaha dowlada ku metela iney iscasilaan

Abiy Ahmed ayaa ka fiirsanaya inuu ciidam u diro maamulka Tigray sidii wax looga qabto maamulka halkaas ka jira ee ka hor yimid dowlada dhexe.

Talaabada ay qaateen labada Aqal ee Baarlaamanka ayaa sii xumeynaya xiriirka burburay ee Abiy Ahmed iyo xisbiga Tigrayga ee TPLF, kaasoo hagayey siyaasadda Itoobiya muddo ka badan 20 sano  ah oo ka horeysay Abiy Ahmed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -