Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Mid ka mid ah fanaaniintii caanka ahaa ee hobolada Waaberi oo geeriyooday

Waxaa xalay magaalada Muqdisho ku geeriyooday fanaaniinkii weynaa ILAAHAY ha u naxariistee Marxuum Max’ed Aadan Shamuuri oo ka tirsanaa hobolada Waaberi.

Marxuumka ayaa la sheegay inuu mudooyinkan ku xanuunsanaa magaalada Muqdisho, waxaana geeridiisa xaqiijiyey xubno ka tirsan qoyskiisa iyo qaar ka mid ah fanaaniinta Waaberi.

“Marxuumka ma helin daryeelkii caafimaad ee u baahnaa, dowlad iyo shacabna wey dayaceen, isagoo qaba duruufo nololeed iyo mid caafimaad ayuu  xalay geeriyooday” sidas waxaa yiri mid a mid ah fanaaniintii ay soo wada shaqeeyeen marxuumka.

Abwaano fanaaniin iyo masuuliyiin ka tirsan DF ayaa ka tacsiyadeeyey geerida marxuumka, iyagoo sheegay in  Marxuum Max’ed Aadan Shamuuri uu ahaa fanaan u soo shaqeeyey Qaranka xili muhiim ah, iyagoo alle uga baryey inuu janadii ka waraabiyo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://youtu.be/pe2QxGlMwgE

Related posts

Ra’isul Wasaare Kheyre oo Munaasabad soo dhaweyn ah loo sameeyay (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Rooble oo Magacaabay Guddi farsamo oo qaban qaabiya Shirka Wadatashiga

Cabdi Cade

Baaritaan culus oo laga sameeyey guryo ku yaalla Kismaayo

Caydiid Ali
Taboola Ads ---