Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dalal ay Soomaaliya ku jirto oo loogu deeqay lacag gaareysa $45 Milyan

Hey’adda Isku dubaridka Gargarka Degdegga ah ee Qaramada Midoobay ayaa lacago gaaraya $45 milyan u qooondeysay Sanduuqa Dhexe ee Waxqabadka Degdegga ah CERF si wax looga qabto macluusha iyo abaaraha ku habsaday dadka ku dhaqan qeybo ka tirsan Dalalka Soomaaliya,Itoobiya iyo Kenya.

Dhaqaalaha inta badan oo ah $30 millyan waxaa loo leexin doonaa dalka Soomaaliya ,iyadoo 2.2 million oo dad ah ay bishii Decembar ay soo wajaheen macluul,halka 3.2 millyan la saadaalinayo in ay u baahan doonaan gurmad bini adanimo.

Lacagahaasi ay qoondeeyeen Qaramada Midoobay waxaa la filayaa in lagu iibiyo adeegyada nolosha ee lama huraanka u ah dadka sida cunto,biyo nadiif ah,fayo dhowrka iyo daawooyin.

Qoondada Sanduuqa Dhexe ee Waxqabadka Degdegga ah,ayaa lagu waramay in uu kaabaya ama dhaameystiraya dadaalka dowladaha Soomaaliya,Itobiya iyo Kenya ,kuwaas oo lagama maarmaan ah in ay kaalmeeyaan dadka ay la soo derseen macluusha iyo abaaraha,gaar ahaan dadka u liita sida adka ah.

Sanduuqa Dhexe ee Waxqabadka Degdegga  CERF waxa ay ururada  samofalka u ogolaan doonaan in ay si degdeg ah uga jawaabaan kaalmada ay u baahan yihiin dadka ay haleeshay abaraha,gaar ahaan dalka Soomaaliya oo la tilmaamay in ay adkaanayaan ama ka sii darayaan xaaladaha.

Roobabkii xilligii bishii Abril iyo Juun oo yaraaday aawadeed ayaa la sheegay in ay sababeen cunto yari keentay macluul,waxaana laga cabsi qabaa in bilaha Oktoobar iyo December ay iyaguna hoos u dhacaan roobabka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Kaalintee ayey Soomaaliya kaga jirtaa dalalka aan u diyaarsaneyn la tacaalida COVID-19?

Caydiid Ali

Wadaad la Aqal galay nin isaga soo dhigay Naag iyo hadal heyn ka dhalatay !! (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Masuuliyiin kormeeray Dhismaha Laamiga u dhaxeeya Muqdisho iyo Afgooye (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---