Allbanaadir.com
NEWS

Siyaasi Villa Soomaaliya katirsanaa oo ku biiray Mucaaradka shirka u socdo

Magaalada Muqdisho gaar ahaan hotelka Jasiira, waxaa ka socda shir ay leeyihiin siyaasiyiinta mucaaradka ee sida weyn uga soo horjeeda hab maamulka Madaxweyne Xasan Sheekh, iyo sidoo kale doorashada lagu muran san yahay ee qof iyo cod.

Siyaasiyiinta mucaaradka ee shira u socdo waxaa ku biiray lataliyihii arrimaha Carabta ee Madaxweynaha Soomaaliya Amb Daahir Maxamuud Geelle, kaa oo u muuqda in uu dhabarka xajiyay Madaxweyne Xasan ugana soo tagay Villa Soomaaliya.

Daahir Geelle, ayaa sidoo kale la ogyahay in qabiil ahaan is xigaan Madaxweyne Xasan Sheekh, waxa uuna go’aansaday in uu isaga soo tago shaqadii Villa Soomaaliya iyo lataliyihii Madaxweynaha kuna biiro siyaasiyiinta diidan siyaasadda uu dalka ku hagayo Madaxweyne Xasan Sheekh.

Siyaasigan ayaa horey sidoo kale uga mid ahaa midowgii Musharaxiinta uu qeybta ka ahaa Madaxweyne Xasan Sheekh ee kasoo horjeeday muddo kororsigii Farmaajo, waxa uuna mar kale Daahir Geelle u sharaxan yahay xilka Madaxweynaha Soomaaliya.

Mucaaradka shirka uga socdo magaalada Muqdisho, ayaa la filayaa in shirkooda kasoo saaraan go’aamo waa weyn oo ay dhibsan doonaan Madaxda Villa Soomaaliya joogto, waxa ayna caddeyn doonaan mowqifkooda ku aadan muddo kororsiga qorshihiisa socdo iyo doorasho qof iyo cod ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Guddoomiyaha Maxkamada Sare oo ka hadlay dacwadii ka timid Shiikh Shariif

Caydiid Ali

Sridevi oo la shaaciyey ineysan u geeriyoon Wadno xanuun (Sawirro & Cadeymo)

Caydiid Ali

DFS oo caddeysay in aysan waxba iska beddelin mowqif horey u gaartay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---