Allbanaadir.com
NEWS

Wareegto ka soo baxday xafiiska Shariif Xasan oo lagu magacaabay Masuuliyiin cusub (Akhriso)

Wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa lagu magacaabay guddoomiyaha cusub ee Maxkamadda Sare ee Maamulkaasi iyo Xeer ilaaliyaha guud ee K/Galbeed

Shariif Xasan ayaa guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Koonfur galbeed u magacaabay Axmed Cali Muuse, kaasoo bedelaya guddoomiyihii hore ee Maxkamaddaas Shiikh Axmed C/llaahi Xuseen (Fanax) oo horey xilka qaadis loogu sameeyey.

Sidoo kale Degreetada xafiiska Madaxweyne Shariif Xasan ka soo baxday waxaa lagu magacaabay xilka Xeer Ilaaliyaha guud oo ku cusub Maamulka Koonfur Galbeed,  waxaana loo magacaabay Maxamed Macalin Cabdiyow.

Madaxweyne Shariif Xasan ayaa kula dardaarmay mas’uuliyiintani inay xilalka loo magacaabay u gutaan si hufan, isla markaana qabtaan adeegyada ay uga baahan yihiin bulshada ku dhaqan degaanada Koonfur Galbeed.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dabley ka tirsan Al-shabaab oo shaqaale ajnabi ah ku weeraray gudaha Kenya

Caydiid Ali

Madaxweyne Joe Biden oo isaga oo Ilmeenaya la hadlay Taageerayaashiisa (Sawirro)

Cabdi Cade

(Sawirro) Muxuu C/raxmaan C/shakuur kala hadlay Wasiirada lix dowlad goboleed?

Caydiid Ali
Taboola Ads ---