Nin 31 sano u xirnaa dembi uusan gelin oo la siiyey magdhow aan caadi aheyn (Daawo Sawirro)

Golaha xuquuqda ee gobolka Tennessee ee dalka Mareykanka ayaa si aqlabiyad ah ugu codeeyay Arbacadii in magdhaw la siiyo Lawrence McKinney oo 61 jir ah.

Ninkan oo u xirnaa 31 sano dambi uusan galin ayaa ku guulaystay magdhow lacageed oo gaaraya hal milyan oo dollar.

Mr. McKinney ayaa la xiray sanaddii 1978 ka dib markii lagu eedeeyay kufsi iyo burcadnimo, balse waxa xabsiga laga sii daayay 2009 ka dib markii la ogaaday bishii December in uusan wax dambi ah galin.

Waa lacagtii ugu badnayd ee ay dowladda gobolka Tennessee ebad u bixiso magdhow ahaan inta la ogyahay

Bishii October 1977, Mr McKinney ayaa lagu xiray Memphis ka dib markii ay haweeney sheegtay inuu ka mid ahaa laba nin oo ku kufsaday gurigii ay daganayd.

Waxa lagu soo oogay dacwad ah kufsi iyo burcadnimo, ka dib markii dambigii lagu soo oogay lagu helay ayaa bishii June 1978 waxaa lagu xukumay xabsi daa’in.

Markii la xirayay Mr. McKinney waxaa uu jiray 22 sano, iyadoo 30 sano ka dib bishii August 2008 a la qaaday dhiiga DNA oo lagu ogaaday saddex qof oo uusan midkoodna aheyn Mr McKinney.

Mr McKinney ayaa sheegay inuu xabsiga ku jiray 31 sano, 9 bilood, 18 maalmood, iyo 12 saacadood, Mr. McKinney lama siin doono dhammaan lacagta magdhawga ah.

Waxaa imika la siin doonaa $353,000 oo uu ku bixinayo qarashkii qareenkii u doodayay iyo deymaha.

Qaybta kale ee lacagtaa ayaa waxaa bil wliba la siin doonaa $3,350 Muddo 10 sano ah, iyadoo lacagtan la siin doono xaaskiisa haddii dhinto muddadaas.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -