Tirada dadka ku dhintay qaraxii shalay ka dhacay Muqdisho oo sii kordhaysa

Waxaa sii kordhay tirada dadka ku dhintay qaraxii shalay gelinkii dambe ka dhacay magaalada Muqdisho ka dib markii Gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay lala beegsaday goob lagu shaaho oo ku taalla wadada Maka Al-Mukarama gaar ahaan ka soo horjeedka hotelka Weheliye.

Dhimashada dadka ku naf waayey qaraxaasi oo markii hore aheyd 14 ayaa gaartay 21 qof oo dhamaantood shacab ah, ka dib markii xalay ay isbitaalada ku geeriyoodeen qaar ka mid ah dadkii dhaawaca ahaanta loo geeyey.

Ehelada dadka dhaawaca ah ayaa tan iyo xalay ku sii qul qulayay Isbitaalada, si u booqdaan dadka ka dhaawacmay.

Ciidanka Booliska Soomaaliya ee sida gaarka ah loogu tababaray Baarista Qaraxyada oo caawimaad ka helaya Saraakiil cadaan ah ayaa ku hawlan Baarista Qaraxan, si ay u soo saaraan natiijada kama dambeysta ah.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo ka hadlay qaraxan ayaa faray laamaha amniga ee arrintan khuseyso in ay warbixin deg-deg ah ka keenaan sida walxaha qarxa ay ku soo dhaafeen baraha baarista, uuna jirayo xisaabtan dhab ah.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -