Akhriso Magacyada iyo Qabiilada Gudoonka Cusub ee G/Banaadir +Sawiradooda

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya ayaa xilka looga qaaday Gudoomiyihii gobolka Banaadir Taabit Cabdi Maxamed iyo sadex kamid ah kuxigeenadiisa iyo xoghayaha maamulka gobolka.

Maamulkan cusub ee gobolka Banaadir ayaa waxaa ku jira xubno aad ugu dhawaa xafiisyada Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’isul Wasaaraha , waxaa sidoo kale ku jira xubno aan siyaasada lagu aqoon.

Gudoomiye kuxigeenadii hore ee gobolka Banaadir ayaa kaliya laga soo reebay Aadan Sheikh Cali Fidow oo horey u hayay isla xilkan Guddoomiye kuxigeenka Howlaha Guud, waxaa sidoo kale Gudoomiyihii Degmada Shangaani loo magacaabay Gudoomiye kuxigeenka Arimaha Bulshada.

Guddoomiye kuxigeenka 2aad ee Maamulka & Maaliyada ee gobolka Banaadir la sheegay in uu horey u ahaa Madaxa Isbitaalka Erdogan Ex-Digfoor, halka xoghaya maamulka gobolka Cumar C/Risaaq horey u ahaa Xogheynta R/Wasaare Xasan Cali Kheyre.

Halkan ka Akhriso Magacyada iyo Qabiilada Gudoonka gobolka Banaadir

1- Mudane Cabdiraxmaan Cumar Eng. Yarisow (Beesha Abgaal Wacbuudhan Daa’uud)

2-Maxamed Cabdullaahi Maxamed Tuulax Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Amniga iyo Siyaasada (Beesha Habar Gidir -Sacad)

3-Hussein Mohamed Nur  Guddoomiye kuxigeenka 2aad ee Maamulka & Maaliyada (Beesha Murusade -Sabti -Israafiil)

4-Marwo Basma Omar Ahmed Guddoomiye kuxigeenka Arrimaha Bulshada & Wacyigelinta (Beesha Reer Xamar Camuudi)

5-Aadan Sheikh Cali Fidow Guddoomiye kuxigeenka Howlaha Guud (Maxamuud Hiraab Duduble)

6-Cumar Abdirisaak Xuseen Xoghayaha Guud ee gobolka (Beesha Xawaadle)

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -