Xukun dil ah oo maanta mar kale lagu riday G/Sare Cabdinaasir Xoosh (Daawo Sawirro)

Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa maanta mar kale xukun dil ah ku riday G/sare Cabdinaasir Xoosh Maxamed oo horey dil ugu geestay Taliye ku xugeenkii ciidanka badda Soomaaliya Generaal Siciid Mariino .

Maxkamadda Darajada 1aad Ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa horey xukun dil ah ugu riday Sargaalkan katirsanaa ciidanka Badda Soomaaliya, waxaana mar kale Maxkamada Sare ee Ciidamada Qalabka side Xukun dil ah ku riday G/sare Xoosh.

Gaanshaale sare Cabdinaasir Xoosh Maxamed ayaa horey xukun racfaan ah uga qaatay xukunkii dilka ahaa ee horey ugu riday Maxkamada darajada koobaad ee Maxkamada Ciidamada Qalabka sida

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Ee Ciidamada Qalabka Sida S/guuto Liibaan Cali Yarow ayaa ku dhowaaqay Xukunka dilka ah ee lagu riday Ex, G/sare Cabdinaasir Xoosh Maxamed oo 18-kii Janaayo Dekadda Muqdishi ku dilay Generaal Saciid Mariino.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -