Sacuudiga & Imaaraadka oo ka qeyliyey go’aan ka soo baxay dowlada Qatar

Dowlada Saudi Arabia ayaa maanta ku dhalleeceysay Qatar diidmadeeda natiijadii kasoo baxday shirkii ku saabsanaa xiisadda gobolka iyo Iran ee dhowaan ka dhacay magaalada Makkah, halka Imaaraadka ay ku eedeeyeen Doha inay dib uga guratay natiijada shirka.

Qatar oo ka qeyb-gashay kulamo saddex maalmood socday oo ka dhacay magaalada barakeysan ayaa axaddii ku gacan seyrtay qodobada kasoo baxay, iyadoo sheegtay inaan lagala tashan.

Wasiiru dowlaha arrimaha dibedda Sacuudiga, Adel al-Jubeir ayaa u jawaabay Qatar.

“Dalalka waxay intay socdaan shir madaxeedyada ku dhowaaqaan mowqifyadooda iyo waxyaabaha ay diidan yihiin sida caadada ah ee ma aha kadib shirarka” ayuu ku yiri qoraal uu soo dhigay twitterkiisa.

Dhinaca kale wasiiru dowlaha arrimaha dibedda Imaaraadka, Anwar Gargash ayaa ku dhalleeceeyey Qatar inay tahay mid tabar-darran oo aan xamili karin cadaadiska.

“Waxay iila muuqataa in ka qeyb-galka shirarka iyo heshiisyada lagu gaaro kadibna laga laabto wixii la go’aamiyey ay tahay natiijada cadaadiska saaran dal aan madax-banaaneyn ama aan la isku haleyn karin” ayuu yiri.

Qatar ayaa waxaa muddo laba sano ah saaran go’doon dhaqaale oo cir iyo dhul ah oo ay geliyeen dalalka Sacuudiga, Imaaraadka, Masar iyo Bahrain.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -