Allbanaadir.com
NEWS

Labo ruux oo saaka aroortii lagu dilay Muqdisho iyo faahfaahino ka soo baxaya

Iyadoo 24-kii saac ee la soo dhaafay ay sii kordheen dilalka iyo weerarada ka dhacaya Magaalada Muqdisho ayaa waxaa saaka dilal hor leh ay ka dhaceen qeybo ka mid ah degmada Wadajir.

Dilka hore ayaa ka dhacay meel aan ka fogeyn Xarunta Cumar Filish ee degmada Wadajir, waxaana dadka degaanku sheegeen in halkaasi lagu dilay Nin kawaanley ah ama ka Ganacsada Hilibka oo lagu magacaabi jiray Muxudiin Cosoble.

”Isagoo u socda Suuq-yaraha degmada Dharkeynley oo uu hilib ku gedi jiray ayaa nin hubeysan uu wadada u galay dhowr xabadood ku dhuftay, ma naqaano sababta loo dilay” ayuu yiri qofka mid dadka degmada Wadajir.

Dhinaca kale, rag hubeysan ayaa isla saaka gurigiisa waxay ugu galeen Macalin wax ka dhigi jiray dugsi Quraanka lagu barto.

Dilka ayaa ka dhacay Isgoyska Kaawa-godeey qeybta degmada Wadajir, iyadoo dadkii ka dambeeyey dilkaas ay goobta ka baxsadeen sida dadka degaanku sheegeen.

Dilkan ayaa noqonaya kii labaad  ee saaka ka dhaca degmada Wadajir Welina ma cadda sababta loo dilay ninka kawaanlaha ah iyo Macalinka dugsiga.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

 

Related posts

Danjire Keating oo shan qodob ku amaanay Madaxweynaha & Raisul Wasaaraha Somalia (Akhriso)

Caydiid Ali

Wasiir Fiqi oo shir aan caadi aheyn uga qeyb galaya Sacuudiga

Cabdi Cade

Ruushka oo doonaya in uu ka aargoosto maamulka Israa’iil

Cabdi Cade
Taboola Ads ---