Shir xasaasi ah oo ka dhacay Villa Somalia iyo Xamse Barre oo amar culus bixiyey (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa guddoomiyey kulanka guddi hoosaadka golaha Wasiiradda ee tiirka Caddaaladda iyo Garsoor Madax-bannaan.

Kulanka ayaa warbixinno looga dhageystay hay’adaha ka wada tirsan Tiirka Caddaaladda, oo  soo bandhigay howlaha ka fulay ajandayashi horutabinta u lahaa Tiirka iyo howlaha hadda horyaala.

Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ayaa soo bandhigtay sharciga caddaaladda da’yarta Soomaaliyeed oo muhiim u ah dalka.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa guddi hoosaadka ku adkeeyey fulinta qorshaha Xukuumadda DanQaran ee la xiriira kor u qaadidda hannaanka Caddaaladda dalka iyo in deegaannadii dhowaan cadowga laga saaray laga hirgeliyo adeeg garsoor oo bulshada kala haga.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
- Advertisement -