Nabad sugida Jubbaland oo fashilisey qarax lagu aasayey duleedka Kismaayo (Sawirro)

Nabad sugida iyo Sirdoonka Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa degaanka Cabdalla Biroole ee duleedka Kismaayo ku soo bandhigay Miino ay sheegeen in la doonayay in lagu aaso Wadada balse ay ka hor tageen.

Saraakiil ka tirsan taliska nabad sugida Jubbaland ayaa sheegay in Ciidanka Amniga ay ku guuleysteen iney qabtaan Miinada oo sida ay tilmaameen lala damacsanaa in lagu dhibaateeyo shacabka isticmaala Wadada xiriirisa Kismaayo Cabdalla Biroole.

“Miinadan waxaa ka cararay kooxo ka tirsan nabadiidka oo doonayey iney ku aasaan wadada ka dib markii laga war helay, waana ilaahay mahadiis hadii laga hor tagay dhagarta nabadiidka” ayuu yiri sarkaal ka tirsan Nabad sugida Jubbaland oo u mahad celiyey ciidankii gacanta ku soo dhigay miinadan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.comĀ 

- Advertisement -