Al-Shabaab oo mar kale hanjabtay & digniin la siiyey Madaxda DF iyo qurba-joogta

Afhayeenka dhinaca howlgalada ee kooxda Al-Shabaab C/casiis Abuu-Muscab ayaa mar kale ka hadlay Arbacadii ka dhacay xarunta maamulka gobolka Banaadir ee magaalada Muqdisho, isagoo ku celiyey in loola dan lahaa wakiilka Q/Midoobay ee Soomaaliya.

Abuu-Muscab ayaa farriin uu soo duubay ay baahiyeen warbaahinta Alshabaab, wuxuuna ku sheegay in dadka ku dhintay qaraxa ay u badnaayeen dad sita baasabooro dalalka Gaalada ee Qurbe joogto ah ee u dhaartay inay daacad u noqonayaan dalalka ay ka yimaadeen, wuxuuna sheegay inaysan jirin meel ay ku nabadgeli doonaan mas’uuliyiinta dowladda federaalka.

Afhayeenka ma sheegin cidda fulisay, wuxuuse tilmaamay in xubno ka tiran Alsahbaab ay diyaariyeen qaraxaasi, wuxuuna u mahad celiyey kuwii kasoo shaqeeyay iyo kuwii u fududeeyay, sida uu yiri , isagoo dhinaca kale sheegay inay Alshabaab sii wadi doonto beegsida madaxda dowladda.

Ugu yaraan todoba ruux oo isugu jiray guddoomiyeyaal degmo, iyo howlwadeeno ka tirsan maamulka gobolka banaadir, waxaana si xun ugu dhaawacmay masuuliyiin kale oo uu ka mid yahay guddoomiyaha gobolka Banaadir Ing. C/raxmaan Yariisow.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -