Wiil Soomaali ah oo abaal marin dahabi ah lagu guddoonsiiyey dalka Norway

Maxamed Xuseen Diirshe oo ah Wiil Soomaali ah oo ku nool magaalada Sisvolval ee  ku taalla Waqooyiga dalka Norway ayaa ku guuleystey abaalmarin muhiim ah, taasoo Qaranka Norway ku maamuuso shaqsiyaadka howlaha muhiimka ah u qabta dalkaasi.

Wiilkan Soomaaliga ah oo 20 jira ah ayaa isagu sanadkii hore bishii December badbaadiyey wiil sideed jir ah, ka dib markii uu dab qabsadey gurigoodii saqdii dhexe ee habeenimo, kaasoo dhimasho qarka u saarnaa.

Maxamed ayaa sida warbaahinta dalka Norway ay qortey loo aqoonsadey geesigii 15aad ee abaalmarinta noocaan ah ku guuleysta abid, tan iyo markii la aasaasey, waxaana uu noqonayaa ruuxii ugu horeeyey oo asalkiisu ka soo jeedo dal kale oo abaalmarinta ceynkaasi hela.

Abaalmarintan oo loo yaqaan Carnrgies ayaa ah mid dahab ah.

Telefishinka NRK ee Qaranka Norway ayaa baahiyey in Maxamed Xuseen Diirshe uu muujiyey geesinimo aad u yaab adan, ka dib markii uu ogaadey in wiil yar looga soo cararey gurigoodii oo gubanaya iyadoo ehelkiisina ay u gali waayeen guriga oo u oo qiiq uu dabooley, hase ahaatee uu isagu daaqada jabiyey oo isku tuurey isagoo soo badbaadiyey ilmihii yaraa.

Dhacdadan oo aad uga yaabisey bulshada Norway ayaa ku soo aadeysa xilli ay warbaahinta dalka Norway ka qoreysey bulshada Soomaalida warbixinno aan fiicneyn oo ku sifeynaysey iney Soomaalidu tahay jaaliyad aan ku fiicneyn is dhexgalka, shaqada iyo waxbarashada, waxeyna tani noqonaysaa mid soo jiidata indhaha bulshada Norwegianka ah, kana bixisa Soomaalida muuqaal wanaagsan oo ka duwan kii horey looga haystey.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com 

- Advertisement -