Allbanaadir.com
NEWS

Al-Shabaab oo soo bandhigtay Awooda dagaalyahanadooda ku sugan Buuraha Galgala (Daawo Sawirro)

Mu’asasada Al-kataa’ib oo ah garabka Warbaahinta u qaabilsan Al-shabaab ayaa baahisay filim cusub iyo sawiro ka hadlaya xoogaga kooxdaas ee ka dagaalamaya buuraha galgala ee gobolka Bari.

Filimkan ayaa lagu soo bandhigaya  howlgallada ay xoogaga Al-shabaab ee Buuraha Goolis ka wadaan degaannada maamulka ‘Puntland.

Muuqaalkan oo la daawan karo muddo ka badan 40 daqiiqo ayaa lagu soo bandhigay dagaalkii lagu laayey ku dhowaad boqol askari oo ka tirsan ciidamada Puntland kaasoo bilo ka hor ka dhacay dhacay degaanka Af-urur ee duleedka Magaalada Boosaaso.

Waxaa sidoo ka muuqanaya filimkan qaabka ay u nool yihiin Al-shabaab ku nool buuraha galgala, dagaalyahano ku dabaalanaya waro biyoodyo iyo dooxooyin ku dhex yaalla buuraha ayaa ka mid ah waxyaabaha filimkan lagu arki karo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Xamaas oo Buufino holcaya u dirtay Koonfurta Qudus iyo Israa’il oo ka jawaabtay

Cabdi Cade

Jubbaland oo Eedeyn kulul u jeedisay DF uguna baaqday in faragalinta ka deyso

Cabdi Cade

Isbitaalka taqasusiga ah ee Dalmar oo daahfuray qaliimo cusub oo dibeda loo aadi jiray (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---