Dowlada Kenya oo la siiyay 750-Milyan Dollar oo Deyn ah

Bangiga Adduunka ayaa ogolaaday in uu Kenya siiyo 750 milyan oo doolarka Maraykanka ah, lacagtaas ayaana ah dayn ay soo codsatay oo u dhiganta 75 bilyan oo shilinka Kenya ah.

Bangiga Adduunaka ayaa sheegay in dhaqaalahan loo adeegsan doono isbadallada muhiimka ah ee lagu samaynayo musuqa ka jira beeraha iyo sidii lagu xoojin lahaa wax soo saarka iyo dhaqaalaha soo gala beeralayda.

Dayntan u dambaysay ayaa imaanaysa iyadoo laga walaacsan yahay baaxadda ay leedahay daynta dalka Kenya lagu leeyahay, sida uu ku warramayo wariyaha BBC Charles Gitonga.

Kenya ayaa horraanti bishan London ku aruursatay 2.1 bilyan oo doolar dayn ah, dhawaan ayayna muwaadiniinta dalkaasi baraha bulshada ku soo qoreen aratiyo xoog badan, iyaga oo dawladda ku eedeeyay in ay daymo qaadanayso xilli dalku uu tabar daran yahay.

Balse qaar ka mid ah dhaqaale yahannada ayaa u arka wax caadi ah in dal dhaqaalaha Kenya oo kale leh uu daymo qaato si uu ugu adeegsado mashaariicda iyo waxyaabaha kale ee ahmiyadda leh.

Khuburadu waxay sheegayaan in 1 doolar ee dayn ah ee dalku qaatu uu dulsaar fuuli doono, marka uu iska bixinaya looga baahan yahay1.23 doolar.

Daymaha dalka Kenya lagu leeyahay ayaa kor u dhaafaya 51 bilyan oo doolar, kuwaas oo ay ka qaadatay daymo bixiyeyaasha caalamiga ah iyo maalgashadeyaasha.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -