Muuse Biixi iyo xisbiyada Mucaaradka oo go’aano cusub soo saaray (Sawirro)

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta magaalada Hargeysa kulan kula qaatay madaxda xisbiyada mucaaradka.

Kulanka oo ka dhacay qasriga Madaxtooyada ayaa waxaa looga hadlay arrimaha doorashooyinka gaar ahaan kuwa isku sidkan ee Wakiillada iyo deegaanka maamulkaasi.

Waxa halkaas warbiximo muhiim ah oo dhinaca doorashada ah lagaga dhegaystay xubnaha guddiga doorashooyinka Somaliland, waxayna tilmaameen inay dhinacooda doorashadu diyaar ka tahay, dhammaanba dhinacyada kale ee ay doorashadu Khusaysana ay uga baahan yihiin taageero niyadsami leh.

Guddoomiyeyaasha xisbiyada UCID iyo Waddani, Eng. Faysal Cali Xuseen (Faysal Cali-waraabe) iyo Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo halkaas ka hadlay, ayaa hoosta ka xarriiqay inay si hagar la’aan ah diyaar ugu yihiin inay dalka ka qabsoonto doorasho hufan oo waqtigeeda ku qabsoonta, kalsooni buuxdana u hayaan guddida doorashooyinka ee doorashada hagi doonta.

Madaxweyne Biixi ayaa isna sheegay in ay ku heshiiyeen in uu Ololuhu noqdo Lix maalmood oo uu xisbi waliba laba maalmood ololaha gelayo, iyadoo la go’aamiyay in xisbiyadu Komishanka ka codsanayaan xisbi waliba maalin buu goobta fagaaraha Beerta xorriyadda tegayaa.

“Waxa kale oo aannu isku raacnay in wixii qaddar Rabbaaniya ah ee aynaan immika ogayn ee ka dhaca  hawlaha Komishanka, dadka xisbiyada u jooga goobtaas ama muraaqib ha noqdo ama ha ahaado qolada xisbiyada  uga wakiilka ah la shaqaynta Komishanka, ayaa ka wada-tashanaya, go’aanka kama dambaysta ahna waxa leh Komishanka qaranka.Dacwadaha waxaynu isla qaadannay oo aynnu door bidnay in haddii ay timaaddo in goob dacwadi ka abuuranto, marka hore waxa ku filan goobta cidda ka joogta Komishanka iyo xisbiyada, haddii ay kari waayaanna waxay u imanaysaa Komishanka, haddii ay xallin kari waayaanna oo ay dacwad tagtona dacwaddaas waxa ka wakiil ah xisbiyada.” ayuu yiri Muuse Biixi.

- Advertisement -