Allbanaadir.com
NEWS

Shir looga hadlay Isdhex galka dhaqaale ee geeska Afrika oo Muqdisho lagu qabtay

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuumadda fedraalka Soomaaliya (XFS), mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa maanta guddoomiyay shir looga hadlay Isdhex galka dhagaale iyo ganacsiga ee gobalka geeska Afrika.

Shirka oo ay ka qayb galeen wasiirro kamid ah xukuumadda ayaa aad looga dooday sida Soomaaliya ay u diyaarin karto mashaariic dalka faa’iido u leh dalalka geeska Afrikana ay ka faa’iidaysan karaan, maadaama uu jiro dadaal xooggan oo la doonayo in dalalku ka wada faa’iidaystaan is-dhex galka ganacsiga iyo dhaqaalaha.

Kulanka ayaa qayb ka ahaa diyaar garoow loogu jiro shir ay yeelanayaan wadamada gobalka oo lagu soo bandhigayo mashaariicda dalalku ay soo diyaariyaan ee faa’iidada u leh dhammaan bulshada gobalka.

Wasiirka wasaaradda qorshaynta, maalgashiga iyo horumarinta dhaqaalaha, Jamaal Maxamed Xasan oo qayb ka ahaa wasiirrada shirka ka qayb galay ayaa sheegay in looga tashaday qorshaha ugu haboon ee Soomaaliya ay uga faa’iidayn karto is-dhex galka, wasiirradana la faray in ay ka fakaraan mashaariicda ugu muhiimsan ee lagu soo bandhigayo shirka looga hadlayo is-dhex galka ee dalalka geeska Afrika.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Maxkamada Ciidamada qalabka sida oo sii deysay nin ku eedeeysnaa dil & Al-shabaabnimo

Caydiid Ali

Muuse Suudi oo Shaaciyay Sababta uu u neceb yahay Madaxweyne Farmaajo !!

Cabdi Cade

Dagaalyahano kasoo goostay Al Shabaab oo lasoo bandhigay (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---