Axmed Madoobe “Dad shacab baa u dhintay xayiraada DF, waana lagula xisaabtamayaa”

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Max’ed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa sheegay in xayiraada dowlada federaalku saartay Jubbaland ay dad shacab ah naftooda ku waayeen taasna lagula xisaabtami doono dowlada Somalia.

Axmed Madoobe oo ka hadlay munaasabad lagu qabtay Kismaayo ayuu sheegay in kadib Doorashooyinkii Baarlamanka iyo Madaxweynaha Jubbaland ay Jubbaland xooga saartay sidii loo dhamayn lahaa dadkii tabashooyinka qabay isla markaana arintaas guulo la taaban karo laga gaaray wuxuu intaas ku daray in iyadoo wali albaabadu ay furan yihiin hadana aan cidna laga ogolanaynin in nabadgalyada ay wax u dhinto arintaasna ay tahay masuuliyad ay leedahay Dowlad Goboleedka Jubbaland.

Waxaa Madaxweynahu uu intaas ku daray in Doorashooyinku markii ay dhamaadeen ay Jubbaland diyaar u ahayd sidii Khilaafka kala dhexeeya Dowlada Federaalka ah wada hadal loogu dhamayn lahaa balse taas badalkeeda Xukuumada Federaalka ah ay xayiraado iyo cunaqabatayno kusoo rogtay dadka reer Jubbaland iyadoo uu Madaxweynahu sheegay in dad shacab ah ay naftooda ku waayeen xayiraada dhinaca duulimaadka ah ee Dowlada Federaalku ay kusoo rogtay dadka ree Jubbaland taas oo la iskula xisaabtami doono.

Waxaa Madaxweynahu uu sheegay in maamulka hawada Soomaaliya oo aad loogu han waynaa sidii Soomaaliya ay gacanteeda usoo gali lahayd maanta la is waydiinayo suurta galnimada in ayna Xukuumada Federaalku masuul ka noqon Karin maadama ay arimo siyaasadeed u adeegsanayaan oo lagu dhibaataynayo dadka shacabka ah sida uu yiri

Madaxweynahu waxaa kale oo uu sheegay in go’aanka garoonka diyaaradaha Muqdisho lagaga celiyay Madaxweynahii hore ee Soomaaliya sheikh shariif sheikh Axmed uu yahay xad gudub aan sharciga dalka meela kaga oolin loona baahan yahay in wax la iska waydiiyo.

Isagoo ka hadlayay shirka Magaalada Muqdisho ee Beesha Caalamka iyo Dowlada Federaalka ah u dhexeeyay ayuu Madaxweynahu sheegay in hanaanka siyaasada loo dhan yahay ayna dalka ka jirin sidaas darteedna wax walba oo shirkaas kasoo baxa ayna anfacaynin dadka Soomaaliyeed loona baahan yahay kahor in arimaha masiiriga ah heshiis laga gaaro sida Doorashooyinka iyo dhamaystirka dastuurka.

Madaxweynahu waxaa kale oo uu sheegay in hanaanka dayn cafintu uuna dhaqan gali Karin iyadoo Madaxda Villa Soomaaliya joogta ay ku tumanayaan sharciga dalka waxaa uu Madaxweynahu sheegay in qof walba oo Soomaali ah uu qayb ka yahay daynta dalka lagu leeyahay balse wadadii lagaga bixi lahaa ayna haynin Dowlada Federaalka ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -