Shirkada Somtel oo daahfurtay saamiyo cusub iyo dad badan oo ka faa’iideestay

Shirkadda isgaarsiinta Somtel Somalia ayaa soo agaasintay Xaflada sanadlaha ee saamileyda somtel iyadoo sidoo kale shirkaddu daahfurtay saamiyo cusub sanadkan 2021.

Munaasabadan oo lagu Qabtay Hotel Giyaajo ayaa waxaa ka soo qeybgalay Qeybaha kala gedisan ee bulshada Sida Ururada Dhaliinyarada, Aqoonyahanada, Ururada Haweenka, Ganacsato iyo Shaqsiyaad Caan ah, Masā€™uuliyiinta Ugu sareeysa shirkadda isgaarsiinta somtel & Dahabshil Group Intaba.

Munaasabadaan oo ay bulshadu aad u daneeynayeen ayaa Waxaa laga dareemay hoolka ay munaasabada ka dhaceeysay & dad weyne kale ee baraha bulshada ee shirkadda suā€™aalaha ka soo weydiinayay Iyadoo Saamiyada laga daahfurayĀ  Suuqyada Somtel Somaliland & Somtel Puntland.

Ugu horeyntii Waxaa munaasabada Hadal jeedin rasmi ah ka sameeyay madaxa waaxda ganacsiga somtel Mudane:C/laahi Cali Caamir Oo ku dheeraaday ahmiyada Saamileyda shirkaddu u leeyihiin ā€œisagoo tilmaamay inay ka qeyb ā€“qaataan suuq-geynta adeegyada shirkadda Waxa uu na ku dhiirageliyaya in fariinta shirkadda ay gaarsiiyaan.ā€

Sidoo Kale Waxaa munaasabada ka hadlay Saamileyda shirkadda isgaarsiinta somtel Somalia oo Codkooda uu ku hadlayay Mudane C/raxmaan Cumar Wiresh Oo Tibaaxay

”Mudada Labada Sano aan ka mid nahay Saamileyda Somtel Waxa aan Helnay Faaā€™iido Dhaqaale Iyadoo shirkaddu La timid IstaraatiijyadĀ  gaar ah oo Lagu Kobcinaayo Daqliga Shirkadda Si loo Xaqiijiyo qanaacadaSaamileyda. Waxaan ugu baaqaaa Saamileyda Cusub inay Ku soo biiraan Bahweynta Saamileyda ayna Kamid Noqdaan Milkiilayaasha guud ee shirkadda somtelā€

Ugu Danbeyntii Waxaa munsaabada soo Xiray Maareeyaha guud ee shirkadda isgaarsiinta somtel ā€œU jeedada aan Daah-fureyno Saamiyada Wejigii Labaad Waa in macaamiisha Somtel ay ka mid noqdaan milkiilayaasha guud ee shirkadda Iyadoo Sanadkii 2018 Wejigii koowaad aan u furnay Macaamiisheena Saamiyo dhan (1033) Saami Waxaan rajeeyneeynaa in Sedex Sano kadib Macaamiishena sharafta leh U furno Saamiyo ka badan ay Kuwii ay shirkaddu Hory ugu furtay bulshada soomaaliyeedā€

Waxaa xusid mudan in shirkadda Somtel sanadkii 2018Ā  u daah-furtay bulshada SoomaaliyeedĀ  Wejigii 1aad saamiyadii ugu badnaa abid Iyadoo bulshadu soomaaliyeed ay ka wada qeyb-qaateen

Macaamiishii ay horay u seegtay fursada Saami Ku darsashada SomtelĀ  Wejigii Koowaad Ā ayaa Maanta soo buux Dhaafiyay Xafiisyada Saamiyada somtel Muqdisho si ay uga Faaā€™ideystaan FursadaanĀ  Taariikhiga ah oo ay Xiliyo badan sugayeen.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -