“Maxaa ka qaldamay Madaxweyne Muuse Biixi?” (Senator Cusman Dubbe)

Aan ku bilaabo’e: Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi wuxu 24 saacadood kahor saxeexay warqaddii ugu muhiimsanayd ee dhammaadka muddo xileedkiisa, waa warqaddii in doorasho loo dareero. Haaaaa, halkaa waxa ku soo dhammaanaya 7 sanadood oo Muuse hayey xukunka Somaliland. Saacadda madaxweyne saxeexo in doorasho loo dareero waa saacadda qiyaamuhu dhaco oo kale ee aan madaxweynayaasha xil iyo xoolo toona loo doonan, xitaa telefoonada aan laga qaban, dadkuna sida daruuraha u guur guuro. Taliyayaasha ciidamaduna iska xaadiriyaan xarumaha mucaaradka.

Aan ku yara noqonno 2017kiiye, anigu Muuse imaatinkiisii baan wax ku lahaa, weliba hawl badani iga soo martay. Sababta oo ah waxan ka filayey in uu noqon karo geed weyn oo damal ah oo iska daa Soomaali e’ Afrika ka shaqeeya ururinteeda iyo midnimadeeda. Xilligii ololaha marka la’ i weydiiyo aragtida iyo hoggaaminta Muuse waxan cod bixiyayaasha ku odhan jirey “Muuse waa Paul Kagame, madaxweynaha Rwanda oo kale, ninkaas uun buu ku bannaan yahay”.

Si aan taa u xaqiijiyo bal aan inyar kula wadaago dhibtii aan u maray. Marka laga tago ololihii, marka laga tago wax ka dejintii qorshaha guusha, marka laga tago is barbar taaggii xilligii uu dhawrka qof haystay, marka laga tago dooddii iyo dirirtii aanu dad badan isku seegnay, marka aanan xusin safaradii dhaadheeraa ee maalin-gaalka iyo guuraha lahaa ee Sool, Sanaag illaa Awdal, xitaa kuwii qurbaha iyo qaboobaha. U codayntiisii oo keli ah saddex jeer baan England uga soo dhoofay. Saddexda jeer waxa ay kala ahaayeen:

Kow; Is-diiwaan gelintii koowaad oo aan maalintii ugu dambaysay iska diiwaan geliyey tuulada Coodanle oo ka tirsan Degmada Buuhoodle.

Laba; kaadh qaadashadii oo inta aan maalin Khamiis ah ka soo baxay London, flydubai subax hore ku imi Hargeisa, baabuur Landcruser ah ka kaxaystay, Jimcihii 4tii galabnimona aan noqday qofkii ugu dambaysay ee card kiisa ka qaata Qorulugud.

Saddex: Codayntiina aniga oo 3 Habeen iyo 3 maalmood u soo jeeday ololihiisa, maalintii doorashada oo dhanna aan shaqaynayey, baan casar gaabkii tuulada Balli Calanle oo Burco u jirta 150km ka soo codeeyey, si aanu codkayga ugu dhicin, sababta oo ah Balli Calanle waa meeshii 2003 sanduuqii yaallay ee Siilaanyo codka u badan lahaa la kansal gareeyey, sidaasna uu ku waayey Madaxweyne-nimadii. 14 sanadood ayaa u dhaxaysay galabtaas iyo galabtan aan dul taaganahay sanduuqii Balli Calanle laftiisii.

Habeenkaas waraaqaha codaynta la soo daad guraynayeyna intiisii badnayd waan soconayey oo baabuur baan waday, hawsha oo badnayd darteed, iyo in aan wax khilaaf ahi dhulkan oo ah dhulka gobolka Togdheer ugu cod badan aanu ka dhicin. Balli-dhiig illaa Burco ayaan marba tuullo tegeyey, aniga oo weliba inta badan hurda ayaan haddana baabuurka waday, waan xasuustaa si aan indhaha u kala qaado marba inta aan istaago baan caagad biyo ah madaxa iskaga shubayey.

Waxan hubaa in ragga maanta Madaxweyne Muuse la jooga aanu ku jirin nin qudha oo intaa u maray doorashadiisii oo celcelis ahaan illaa Europe illaa Hawd 30,000 oo kiiloomitir u socday in uu Muuse noqdo madaxweyne.

Sababtaas baan uga gaabsaday in aan Muuse Biixi iyo todobadiisii sanadood ee taariikhiga ahaa wax ka sheeg sheego oo aan marba fartayda dhinacyada ka eego. Maantana ku fogaan maayo ee si aanu madaxweynaha ka dambeeyaa ugu dhicin qaladaadkii oo kale ayaan u qorayaa dhawr qalad oo waaweyn oo Muuse ku dhacay. Waa cashar ee ma’aha siyaasad.

Madaxweyne Muuse wuxu sameeyey qaladaad badan, fursado badanna wuu lumiyey. Xitaa waxa soo martay mar bilowgii 2020kii loo cumaamaday in uu noqdo boqorka 30ka malyuun ee Soomaaliyeed, oo ahayd meeshii aan la’ jeclaa, laakiin ay taladu seegtay oo uu qaadan kari waayey.

Hadda kama hadlayo arrimahaas iyo qaladaadkii odaygu uu galay oo dhan oo ay ugu weynayd tii Laascaanood. Sidoo kale ka hadli maayo qaladaadkii maamul, maaliyadeed, milateri, cadaaladeed iyo horumarineed ee maalinlaha ahaa, inkasta oo aanay ahayn in ay dhacaan haddana way dhacaan, waana laga kabtaa. Laakiin qaladaadka laf jabka ah ee istaraatiijiga ahi waa jab iyo fashil. Halkan waxan kaga hadlayaa 4 qalad oo waaweyn oo gudaha Somaliland ah. Bal ila eeg 4 tan qalad oo ahaa kuwii dhalay wixii ka xumaaday oo dhan.

1.Qaladka Koowaad: Madaxweyne Muuse marnaba muu dhisan, mana uu lahayn “cabinet” ama Gole Wasiirro oo run ah todobadaas sanadoodba. December 2017kii ayuu dhisay Golaha Agaasimayaasha, 2022 kiina waabu ka maarmay agaasimayaashii. Madaxweyne Muuse, markii uu xukuumadda dhisay kaddib ayaa guddoomiye kamid ah xisbiyada mucaaradku weydiiyey wuxu ku falay dadkan uu ku sheegay wasiirada ee Muuse laftiisa haddii la’ weydiiyo aanu qaar badan oo uu wasiiro u magacaabay garanayn ba (illaa todoba kamid ah weligii muu arag, iyaguna weligood TV moojaane toos umay arag). Muuse wuxu ku yidhi guddoomiyahaas “waar ma rabo dad ila murma”. Taas waxaaba ii sii xaqiijiyey nin ku magacaaban wasiir laakiin ah agaasime wanaagsan baan maalin ku idhi waar maxaad u hadli weydeen ee madaxweynahan iyo xisbigan dhulka la jiidayo u difaaci weydeen, wuxu igu yidhi haddii aan hadlo madaxweynaha ayaa i xasuusanaya.

Halka Madaxweyne Muuse soo dhisay xukuumaddaas aan la’ murmayn ee uu doorbiday in uu noqdo keli-jire, halkii uu ka noqon lahaa wadar-jire, waxan anigu goob joog u soo ahaa oo aan wada garanayaa dowladdihii ay soo dhiseen madaxweynayaashii Muuse ka horreeyey, illaa madaxweyne Cabdiraxman Tuur iyo xukuumaddiisii dhammayska ahayd. Bal mid kamid ah xukuumadahaas aan tusaale u soo qaato: Madaxweyne Cigaal 1997kii wuxu soo dhisay xukuumad ahayd mar la’arag. Wuxu golishiisa wasiirada isugu keenay madaxweynayaal, waxannu ku naanaysi jirnay xukuumaddii madaxweynayaasha. Daahir Riyaale ayuu markii koowaad-ba madaxweyne ku xigeen u xushay, Ambassador Fagadhe oo cilmiga diblomaasiyadda aqoon durugsan u lahaa, muddo dheerna kamid ahaa madaxda sare ee hay’adda ILO, Kofi Anan, Beutrous Qali, Isayas Afawerqi, Meles Zenawi iyo madaxda kale oo gobolkubana ay aad u dhegeysan jireen ayuu Wasaaradda Arimaha Dibadda u dhiibay. Axmed Yuusuf Ducaale oo 1967kii ahaa Wasiirkii Arimaha Dibadda ee Soomaaliya ayuu Tacliinta u dhiibay, Madaxweyne Siilaanyo ayuu ka dhigay wasiirkiisa Maaliyadda, Dr Gaboose oo shirkii Cigaal lagu doortay guddoonkiisa iyo qabsoomiddiisaba lahaa ayuu Arimaha Gudaha iyo Amniga u dhiibay, Cabdillahi Darawal ayuu ka dhigay Wasiirka Dib u dhiska iyo Dib u dejinta, Dr Cabdi Aw Daahir caafimaadka, Prof Caynab Gaashaandhigga, liiska goluhu waa dheeraa Prof. Gees, Ambassador Abdullahi M Ducaale, Siyaasi Cali Warancadde, iyo xitaa aftahankii Jaamac Gaas Macaawiye oo 21 sano Wasiir ka soo ahaa dowladdii Maxamed Siyaad ayuu wasiiro ka dhigtay oo waaya aragnimadiisa ka maarmi waayey. Cigaal wuxu ahaa another level. Madaxweyne Muusena, Shukri Bandare oo 14 sano ku magacawnayd Wasiirka Environment ka oo intay daashay daashay boqol jeer ku tidhi in aan nasto baan rabaa ee i beddel ayuu dhegeysan waayey, oo beddeli waayey, iyada oo ay suuqa joogaan 100 siyaasi oo karti iyo aqoon leh oo reer Oodweyne ah, oo boqol meelood wax uga tari lahaa. Sacad oo ku magacaaban Wasiirka maaliyaddu 2 sano kahor ayuu codsaday shaqo ka tegis, laakiin Dowladi waxa ay ku shaqaysaa aqoonta, ilaalinta, kartida iyo xil kasnimada goleheeda wasiirada. Isku shaandhaynta iyo is beddelkeeduna waa sida saliidda olyada baabuurta ee ay waajibka tahay in muddadiiba mar la kala beddelo. Muuse adduunka wuxu ugu necbaa kelmadda isku shaandhayn, waxa laga sheegay “hebel ku beddel hebel maxay soo kordhinaysaa”. Dabcan, Dowladnimaduba waa hebel oo shaqayn waayey ku beddel hebel oo ka karti badan, laakiin waa marka shaqo la rabo.

Qaladka Labaad: Madaxweyne Muuse wuxu bilowgiiba joojiyey wareeggii lacagta ee suuqa. Kelmaddii “Handaraab” ma ahayn kelmad u fiican dhaqaalaha, maalgashiga iyo wax kala iibsiga. Qofka yaqaanna inta ugu yar ee cilmiga dhaqaalaha wuu fahmayaa in haddii aad joojiso wareegga lacagta ay saamaynayso miisaaniyaddaada oo dakhliga iyo cashuurtuba ay hoos u dhacayaan, dadkuna aanay wax nafleh kala iibsanayn. Waa sidii qasabadda biyaha oo aad dhexda ka jartay, afkana ka sugayso in biyo kaaga soo dhacaan. Xukuumadaha Ingiriisku marka dhaqaaluhu yara liico waxa ay sii daayaan mashaariic badan si lacag fiicani suuqa u gasho oo wax loo kala iibsado. Haddaba handaraabkii Muuse, aafadii ka dhalatay waa tii Sheekh Aadan Siiro “Allah yarxamhu” inoo sharxi jirey ee odhan jirey “waa la soo ootay”, busaarad aawadeed.

2.Qaladka Saddexaad: Madaxweyne Muuse wuxu guurey geeddi qaldan. Dunida kale oo dhan qofka ku doorta waa la sharfaa oo la weyneeyaa, oo loo abaal gudaa, taladaa wax laga siiyaa, adiga oo isaga haysta ayaa la raadiyaa inta kaa maqan. Muuse dagaalkii koowaad wuxu ku qaaday xisbigiisii, taageerayaashii, u codeeyayaashiisii, iyo power base kiisii, weliba iyaga oo jecel, oo aan kursiga ku haysan, codkoodana mar walba ula diyaar ah. Bari illaa galbeed madaxweyne Muuse taageerayaashii xisbigiisa wuu tuuray, gaar ahaan boqolaalkii kun ee uga codeeyey Togdheer, Sool, Sanaag iyo Saaxil. Qoladii galbeedna muddo dheer ayay ahaayeen gacmo ku gabbad. Fartiinnaa eedeysaan waxay ahayd farriin ku cusub taariikhda siyaasadda adduunka, mana tirmayso weligeed.

Nin reer Hargeisa ah oo aqoon durugsan u leh culuumta siyaasadda ayaan weydiiyey hal shay oo uu ku xusuusan doono madaxweyne Muuse. Ninkaas political scientist ka ahi wuxu igu yidhi: “Sidii David Axelrod u ahaa madixii ololaha madaxweyne Obama ayaa Muuse Biixi na todoba sanadood u ahaa madixii ololaha ee Cabdiraxman Cirro”.

Arrintaas professor-ku waxay i xasuusisay qiso ku dhacday nin shiidaalka ka ganacsada, ninkaas oo kamid ahaa dadkii aad ugu ololeeyey Muuse Biixi ayaa bilowgii xukunka Muuse dalka keenay markab shiidaal. Markii shiidaalkii Berbera yimi ayuu Madaxweynuhu diiday in la shubo, 45 maalmood markii uu markabkii badda taagnaa ee ganaax ku socday ayaa waxa madaxtooyada tegey mid kamid ah dadkii ka codeeyey ee mucaaradka ahaa, markaas buu ku yidhi madaxweyne markabka ii sii daa waxbaan ku leeyahaye. Sorry buu yidhi waxan moodayey in ay leeyihiin qoladii kursiga i saartay. Sidii buu ku sii daayey markabkii oo dekedda berbera uu ugu ogolaaday. Waxa taa ka sii yaab badnaa sida uu u fogeeyey saddexdii ganacsade ee waaweynaa ee kala ahaa Maxamed Aw Siciid, Maxamed Siciid Ducaale iyo Axmed Cismaan Geelle, kuwaas oo saamayn aad u badan ku lahaa guud ahaan shacabka Somaliland gaar ahaannna u codeeyayaasha Kulmiye. Ganacsiga kale ee faraha badan ee ay lahaayeen dadkii doortay ee uu xannibay, qaarkoodna illaa maanta xanniban yihiin idinba waad wada ogtihiin.

Waxa iyana la’ yaab ahayd oo waxaba ka sii darnayd maalintii ninkii Maxamuud Xaashi ee aanu weligii Muuse madaxweyne noqdeen la’aantii uu yidhi xisbiga Kulmiye ma’aha oo kama tirsana, dad badan baa yidhi oo haddaa yaa ah Kulmiye! Xilligii daraawiish ayaa wiil isku darsaday karti, geesinimo, cilmi, aftahanimo iyo akhlaaq, niman Sayidka la joogay ka masayreen. Kaddib aabihii bay ku yidhaahdeen wiilkaagu waa caasiyoobay oo sayidkii ayuu xukunka ku haystaa, ee intaanu xujoobin wax ka qabo. Odaygii waxba ma hubsane wiilkiisii oo iska hurda ayuu xabbad ku soo dhuftay. Kaddibna Sayidkii ayuu warkii kula soo kallahay oo ku yidhi wiilkaygii kugu caasiyey anigaa gacantayda ku soo dilay. Sayid Maxamed wuxu yidhi hadal taariikhda galay oo ahaa: Hebelow, haddii anigu aan wiilkaas oo kale dhali lahaa iskama dileen. Nin raba in dowladdiisu guuleysato Maxamuud Xaashi oo in badan diyaar u ahaa in uu la shaqeeyo ma dayriyeen, kumana beddesheen “waxba”. Kolley anigu, waa halkii Sayidka e’ iskama fogeeyeen Ina Xaashi oo kale. Ugu yaraan waxan is lahaa marka uu laba sano xilka hayo “midterm” kiisa marka xaalku ku adkaado ayuu sidii Raisal Wasaaraha Ingiriiska ee Rishi Sunak odhan doonaa “waar intii aan garanayey way dhaaftay ee ninkii gaadhigan wadi jirey ee David Cameron ii doona”.

Runtii arrimahaas oo dhami may ahayn qaladaad siyaasadeed ee waxay ahaayeen strategic mistakes, weliba qalad istaraatiiji ah oo hoggaanka soo socda ee Kulmiye saamayn ku yeelan doona.

3.Qaladka 4aad: Jidkii qodxaha lahaa

Madaxweyne Muuse wuxu 30 sano kahor indhaha siyaasadda ku kala qaaday Madaxweyne Cigaal. Kaddibna farsamo u shaqaysay Maxamed X Ibraahim Cigaal ayuu manaam iyo riyo ku arkay in isagana ay u shaqayn karto. Waxa hubaal ah haddii aanu dhici lahayn dagaalkii October 1994kii ee Jaamac Maxamed Qaalib hoggaaminayey in Cigaal kursiga waayi lahaa doorashadii dhici lahayd sannad kaddib 1995. Siilaanyo wuxu nagu yidhi “Jaamac Yare aad baan ula hadlay oo ku idhi haddii dagaal dhaco doorasho dhici mayso, haddii doorasho dhici weydana Cigaal baa joogaya oo kursigu bannaanaan maayo ee adigu Cigaal ha ka dhigin “President for life”Madaxweyne aan weligii dhicin”. Runtii sidii Siilaanyo sii saadaaliyey bay u dhacday. Dagaalkii wuu dhacay, waxaana ka dhashay madaxweynihii 6da bilood u hadhsanaayeen in uu kursiga ku sii fadhiyo 9 sanadood oo kale illaa uu ka geeryooday. Muuse Biiixi illaa bilowgiiba sawirkaas baa maskaxdiisii ku wareegayey, iyo sidii uu mar kale u ciyaari lahaa ciyaartaas duugga ah ee 30 jirka ah. Arrintaasina waqti badan, fikir badan iyo dhaqaale badan bay ka khasaarisay Madaxweyne Muuse. Laakiin wuxu qaldayey in isaguna aanu ahayn Cigaalkii 1994kii, mucaaradka maantuna aanu ahayn kii Salbalaar ee xaafadda Tarabuunka ee Xamar laga hoggaaminayey, isbahaysigii marya aloolka ee 1994/1995 na aanu maanta jirin, xitaa aanay suurtagal ahayn in la sameeyo, siyaasadda maanta ee gobolkuna aanay ahayn tii iska hurudday ee jirtay 30 sano kahor.  Fikrikaas ku dayashada aan suurtagalka ahayni waxa ay i xasuusisay sheekadan: Bilowgii sagaashamaadkii ayaa waxa xaafadda Shola Manganaaya ee Addis Ababa noogu sheekeeyey ninkii ku dayday madaxweynihii Masar ee Jamaal Cabdinaasir. Ninkaasi wuxu ahaa nin weyn oo reer Cadmeedkii hore ahaa, wuxu yidhi sanadihii kontomaadkii waxan indhaha ku kala qaaday Jamaal Cabdinaasir oo ah hoggaamiyaha Carab ugu saamaynta badan, wuxu dhalinyarada carbeed u ahaa tusaale ay ku daydaan, waa run oo Mucammar Al Qaddaafigii Liibiyaba wuxu ku riyoon jirey in uu mar uun noqdo Jamaalkii yaraa ee carbeed. Xiligaas ayuu yidhi baa waxa nalooga sheekeeyey in Jamaal aqoon durugsan u leeyahay dabbaabaadka ama kaarayaasha, kaddibna waxan jeclaystay in aan barto dabbaabaadka si aan u noqdo Jamaalkii Soomaalida. Warqad dheer baan u qoray buu yidhi Madaxweyne Jamaal Abdulnaasir, xilligu waa 1958kii, Masar waxa ay Cadan ku lahayd xafiis sida qunsiliyadda u shaqeeya, warqaddii markii aan dhammeeyey waxaan geeyey buu yidhi qunsiliyaddii Masar ee Cadmeed si ay ugu gudbiyaan madaxweynahooda, maaddaama ay adag tahay in warqad caadi ah oo aan boosta ku diraa u tagto Madaxweyne Jamaal. Bil kaddib qunsuliyaddii waxay ii soo dirtay farriin ah in ay ii hayaan jawaab ka timi Qaahira. Aniga oo u qaadan la’ baan u tegey buu yidhi, waaba warqad ka timi Madaxtooyadii Masar. Madaxweyne Jamaal Abdinaasir wuu iiga soo mahad celiyey salaantii iyo ammaantii aan u diray, laakiin wuxu ii sheegay in Soomaaliya aanay xor ahayn, isla markaana lahayn dabaabado, laakiin Masar diyaar ula tahay in ay baraan culuumta kale ee uu rabo in uu barto. Haddaba, sidii ku dhacday ninkaa iska jibbooday ee Jamaal Cabdinaasir iskaga dayday ayaa Madaxweyne Muusena ku dhacday.

Bilowgiiba waxay ahayd in Muuse Biixi aanu waxaas waqti iskaga lumin, sababta oo ah xilligan la joogo ee dunida uu hago social media-hu dagaalku waa sida kayn dab qabsaday oo aan la’ xakamayn karin, waad bilaabi kartaa laakiin ma joojin kartid, sidoo kale ma ogid haddii xabbadi dhacdo meesha ay ku dambayn doonto xabbadaasi. Xilliyadana in Somaliland dagaal ka dhaco waxa ku ducaysta xoogagga argagixisada ee Al Shabaab iyo Daacish, oo habeen iyo maalin ilaahay ka barya, iyaga oo ka dhex raadinaya fursad shaydaan oo ay ku xasuuqaan shacabkeeda, sida ay u xasuuqayaan shacabka Soomaaliyeed ee kaleba. Xilligana waxa ka hortaagan nabadda, maamulka dowliga ah oo iyaga hortood dhismay iyo shacabka oo iskaashaday ayaa maanta ka hortaagan soo dhex-galka bulshada.

Sidaas darteed inta uu dagaal sokeeye fursad ka raadinayey waxa ay ahayd in Muuse uu shantiisa sano iyo labada suubbiska ah, 7dii saas sanadood si xasilloon oo xarrago iyo waxqabad leh u qaato, kaddibna 2024 Xisbigiisa  Kulmiye ka soo sharraxo nin miisaan leh oo Galbeedka Burco ah. Isaguna maaddaama uu 2025 noqonayo 80 jir uu si sharaf leh u ritaayaro, oo xurmo iyo taariikh xasiloon oo lagu xusuusto ka tago. Sidiisaba, madaxweyne, dirham iyo diinnaar toona lagama dhaxlo oo kama tago, xitaa 30 sano kaddib guryaha aynu maanta ku jirno dadkii koowaad ee lahaa lama xasuusan doono, tan rasmiga ahina waxa ay tahay madaxweyne wuxu ka tagaa taariikh iyo legacy. Laakiin macal asaf, i am so sorry! hadda wax kastaa way talo xumaysteen, waqtigiina wuu dhammaaday. Ciilow ba’ay talo xumaan cudur ka weynayne.

ii oggolow in qormadan aan ku soo afmeero beydad kamid ah maansadii Hadraawi ee Galangal ee soo baxday 1983kii oo aad mooddo in ay maanta taagan tahay. Hadraawina wuxu yidhi:

Gebegebada sheekada

Gabaygaygan kama wado

Gaaxnuug la talintii

Gabbal dhacay ka hadalkii

Hadda galabta sheekada

Waxan uga gol leeyahay

Samihiyo is garabsiga

Berri yaan la gees marin

(Hadraawi, Galangal 1983)

WQ: Senator Cismaan Dubbe

- Advertisement -