Siyaasiga Caanka ah ee Nigel Farage oo caalamka ugu baaqay in ay aqoonsadaan Somaliland

Siyaasiga Nigel Farage oo u dhashay dalka Britain ayaa ugu baaqay caalamka iyo dowlada Britain in ay aqoonsadaan maamulka Somaliland oo dadaal badan ugu jira sidii uu noqon lahaa dal madax banaan.

Nigel Farage ayaa dhawaan loo doortay in uu kamid noqdo Baarlamaanka Midowga Yurub, waxa uuna ninkan kamid yahay siyaasiyiinta caanka ka ah qaarada Yurub gaar ahaan dalka Britain.

Waxa uu siyaasigan safka hore kaga jira dadka kasoo horjeeda siyaasada Yurub lagu maamulo, waxa uuna kamid ahaa dadkii sida weyn ugu ololeenayay in dowlada Britain ay isaga baxdo Midowga Yurub.

Siyaasigan reer Britain ayaa qoraal uu soo dhigay barta uu Twitterka ku leeyahay ku amaanay amaanka iyo xasiloonida ka jirta maamulka Somaliland, waxa uuna ugu baaqay dowlada Britain iyo caalamka intiisa kale in ay aqoonsadaan Dowladnimada Somaliland.

Maamulka Somaliland ayaa sanado badan raadis ugu jira in ay Soomaaliya inteeda kale ka go’aan ayna noqdaan dal madax banaan, ma jiro wali dowlado Somaliland u aqoonsaday dal rasmi ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -