Maxkamada sare ee dalka oo ogolaatay in la xiro Baraha Bulshada iyo Wasiir Goodax oo …

Waxaa maanta magaalada Muqdisho iyo qaar kamid ah maamul goboleedyada dalka si rasmi ah uga bilowday Imtixaanka shihaadiga ee dugsiga sare ee sanadkan u fadhiisteen in ka badan 30-kun oo arday .

Wasiirka Waxbarashada Xukuumada Soomaaliya Cabdulaahi Goodax Barre oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in imtixaanka saakay jawi wanaagsan uu ku bilowday, waxa uuna xusay in la xiri doono baraha bulshada hadii ay baahi timaado.

Goodax ayaa xusay in Maxkamada sare ee dalka ay u gudbiyeen codsi ah in la xiro baraha bulshada inta uu imtixaanka socdo hadii ay timaado khatar ama baahi uusan sheegin waxa ay tahay balse u muuqata in uu ula jeedo hadii qash uu bao.

”Wasaarada waxa ay maxkamada sare ee dalka u qoratay arji ay ku codsaneyso in baraha bulshada la xakameeyo waqtiga imtixaanka hadii ay baahi timaado, Maxkamada xukunkaasi waa noo riday mahad ka gaarto,” Ayuu yiri Wasiir Goodax.

Wasiirka Waxbarashada ayaa cadeeyay in hada wasaaradiisu heesato awood ay saacad kasta ay ku xiri karto baraha bulshada , waxa uuna xusay hadii ay Wasaaradiisa ay khatar aragto in la xirayo baraha bulshada.

”Wasaaradu waxa ay heesataa awood ay saacad kasta ku joojin karto baraha bulshada, maanta mala joojin maxaa yeelay baahidii ma jirto, shaqadi kale ee adkeyd aan qabanayay ayaa noo shaqeesay , marka  sabab loo joojiyo ma jirto , laakin hadii aan khatar aragno ilaah hanaga haayee waa la joojinayaa baraha bulshada ‘ ayuu yiri Wasiirka Waxbarashada.

Maalmihii lasoo dhaafay ayaa waxaa aad loo hadal hayay in dowlada Soomaaliya ay xireyso baraha bulshada inta uu imtixaanku socdo si mar kale looga hortago in uu fashilmo imtixaanka shahaadiga sidoo kale qash oo baxo laguna faafiyo baraha bulshada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -