Dil goordhaw ka dhacay gudaha Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho

Kooxo biskoolado ku hubeesan ayaa goordhaw gudaha Suuqa Bakaaraha gaar ahaan meel ku dhaw Masjidka Shuhadaa ee kuyaala qeybta Cabdalla Shideeyaha waxa ay ku dileen nin aan wali la ogeyn waxa uu ahaa.

Goobjooge ayaa noo sheegay in rag hubeesan dhowr xabadood ku dhufteen ninkan oo wadada marayay, waxaana raga dilka geestay markii ay hubsadeen in ruuxa ay doonayeen geeriyooday goobta isaga dhaqaaqay.

Meydka ruuxa la dilay oo ah qof da’ ah ayaa mudo daqiiqado badan yaalay halka lagu dilay, waxaana aaga dilku ka dhacay isaga cararay dad badan oo shacab ah oo halkaasi marayay iyo kuwa goobo ganacsi ku leh.

Ciidamada booliiska Muqdisho ayaan wali gaarin goobta uu dilku ka dhacay, waxa ayna dadku ka cabsi qabaan hadii ay qaadaan ama u dhawaadaan ruuxa la dilay in dhibaato kasoo gaarto.

Dilkan ayaa kusoo aadaya xili shalay galinkii dambe gudaha masjid kuyaala xaafada Juungal ee degmada Yaqshiid lagu dhax dilay nin nabadoon ahaa oo si weyn loo yaqaanay, waxaana la sheegay in uu kamid ahaa waxgaradkii wax kasoo doortay Xildhibaanada .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -