Allbanaadir.com
NEWS

Nuqul kamid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirnimo oo laga guddoomay Karry Andre (Sawirro)

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Cabdisaciid Muuse Cali, ayaa maanta nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay Safiirka Cusub ee dowladda Maraykanku u soo magacowday Soomaaliya Mudane Larry André.

Wasiirka iyo Danjiraha ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka labo geesoodka ah iyo iskaashiga Labada Dowladood ee dhinacyada amniga, dhaqaalaha, horumarinta, iyo diblomaasiyadda, isaga oo Danjire André soo bandhigay dadaalka uu ku bixin doono adkaynta xiriirka diblomaasiyadeed iyo wax-wada-qabsiga ka dhexeeya Labada Dowladood.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ayaa Danjiraha Cusub ee Dowladda Maraykanka ugu hambalyeeyay xilka loo magacaabay, wuxuu na u sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku garab istaageyso gudashada waajibka diblomaasiyadeed ee loo igmaday.

Related posts

Dowladda Soomaaliya oo Codsatay in lagu garab-siiyo barnaamijka deyn Cafinta (Sawirro)

Cabdi Cade

Akhriso Magacyada iyo Qabiilada Xildhibaanada Cusub ee Galmudug Garabka Xaaf

Cabdi Cade

Imaaraadka oo raadinaya qaab uu wax uga badalo istiraatiijiyadiisa Soomaaliya! (Xogo Cusub)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---