Itoobiya oo ka hadashay Khariidadii Muranka dhalisay ee Soomaaliya loogu daray Dalkeeda

Bogga Internetka ee Wasaarada Arimaha dibadda dalka Itoobiya ayaa lasoo galiyay sawirka khariidad muran badan dhalisay ,kadib markii khariidadaasi looga saaray Soomaaliya laguna daray dhulka Itoobiya.

War kooban oo kasoo baxay Wasaarada Arimaha Dibbadda ayaa lagu sheegay in si khaldan khariidadaasi uu kusoo galay bogga Internetka, waxa ayna Wasaarada sheegtay in sawirkaasi si deg deg ah bogooda looga saaray.

“Waxaan fahannay in sawir khaldan oo aan la aqbali karin oo muujinaya Khariidadda Afrika uu si kadis ah kusoo galay bogga internet-ka ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Itoobiya Isla markii aan arrinta ka war helnay, si deg deg ah ayaan sawirkaas uga bixinnay Website-ka. Fadlan xaqiiq u haya in kooxdeena dhinaca ICT-ga ay ka shaqeynayaan hubinta ammaanka Website-ka. Waxaan si kal iyo lab ah uga qoomameyneynaa jah wareer kasta oo ay suurta gal tahay in uu sababay iyo isfaham darro ka dhalatay dhacdadaan” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Wasaarada Arimaha Dibadda Itoobiya.

Sawir Muddo kooban ka muuqday Maqaal lagu qoray bogga rasmiga ah ee Wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya ayaa muujinayay qariirada Afrika oo tilmameysa dhulka Soomaaliya oo lagu daray Itoobiya, iyadoo Somaliland aysan ku jirin.

Maqaalku wuxuu ka hadlayaa xiriirka Itoobiya iyo Masar gaar ahaan arrinta biyaha wabiga Nile, kamana hadlaayo wax Somalia ku saabsan waxaase isweydiintu tahay muxuu ka macno yahay sawirkan aanay ka muuqan Soomaaliya ee haddana lagu calaamadeeyey Itoobiya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com.

- Advertisement -