Allbanaadir.com
NEWS

Nabadoon lagu dhax dilay Masjid kuyaala magaalada Muqdisho

Kooxo biskoolado ku hubeesan ayaa galinkii dambe ee maanta gudaha Masjid kuyaala xaafada Juungal ee degmada Yaqshiid waxa ay ku dhax dileen nabadoon aagaasi caan ka ahaa.

Sida aan wararka ku helnay Nabadoonka la dilay oo lagu magacaabi jiray Ibraahim Cariif ayaa lagu dhax dilay gudaha Masjidka Sheekh Xasan Cadde ee kuyaala xaafada Juungal, waxaana xiliga nabadoonka la dilayay uu aqrisanayay Quraanka Kariimka.

Raga dilka u geestay nabadoonka oo lagu sheegay labo ruux ayaa goobta isaga baxsaday, waxaana dilka kadib halkaasi gaaray ciidamo katirsan booliiska Soomaaliya oo sameeyay baaritaano aysan natiijo kasoo bixin.

Dilkan ka dhax dhaca gudaha masjida cibaada loo tago ayaa kusoo badana gudaha Soomaaliya, waxaana marar badan sidan oo kale masaajidyo loogo dhax dilay dad salaad u taagnaa iyo kuwa kale oo cibaado masjidka ugu jiray.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com.

Related posts

Hadal uu jeediyay Ra’isul Wasaaraha dalka Britain oo carro badan abuuray

Cabdi Cade

Saadiq Cabdilaahi Cabdi :-Nidaamka Federaalka waa “Dameer iyo labadiisa daan”

admin

Sarkaal ka soo goostay Al-shabaab oo isku soo dhiibay Ciidanka Xoogga dalka

Caydiid Ali
Taboola Ads ---