Allbanaadir.com
NEWS

Banaan bax rabshada wata oo goordhaw ka bilowday magaalada Muqdisho

Waxaa goordhaw banaan bax rabshada wata oo ay dhigayaan dhalinyaro u badan kuwa kaxeeya mootada loo yaqaan bajaajta uu ka socda Isgooska Dabka ee magaalada Muqdisho .

Banaan baxan ayaa yimid kadib markii askari katirsan ciidamada taraafikada uu halkasai ku dilay nin darawal mooto bajaaj ahaa, waxaana falkaasi dilka ka carooday dhalinyarada ku shaqeesata mooto bajaajta.

Dadka dhigaya banaan baxa ayaa isgooska ku xiray mootiiyin iyaga oo diiday in halkaasi gaadiid maraan, waxaana mararka qaar dhagxaan ku tuurayaan ciidamada iyo gaadiidka ay wataan ee halkasai kasoo dhawaada.

Dhalinyarada banaan baxa dhigaysa ayaa ku qeylinaya ereyo ka dhan ah ciidanka dowlada ay ku eedeeyeen in si micno daro ah u dilaan shacabka, waxa ayna ku baaqeen in askariga dilkan geestay lasoo qabto lana horgeeyo cadaalada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wasiir katirsanaa Xukuumadda UK oo si weyn ugu ololeeyay Aqoonsiga Somaliland oo is casilay

Cabdi Cade

Markaska Albaani Online oo Bishaaro Muhiim ah u haya qurbo joogta Somaaliyeed

Cabdi Cade

Jubbaland iyo Qaramada Midoobay oo ka wada hadlay qodobo la xiriira.. (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---