Xiisadii ka dhalatay qiimaha shidaalka Caalamka oo lasoo afjaray kadib hanjabaadii Trump

Waxaa heshiis laga gaaray xiisad ka dhalatay qiimaha shidaalka caalamka xili saameyn badan ku yeeshay wax soo saarka shidaalka iyo iibintiisa caabuqa Caronavirus ee dunida ku faafaya.

Dowladaha Sacuudiga iyo Ruushka ayaa waxaa ka dhax qarxay dagaal salka ku hayay qiimaha shidaalka , waxaana labadan dowladood hanjabaad adag dhawaan u diray uguna baaqay in xal gaaraan Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.

Wadamada soo saara Shidaalka ayaa waxay ku heshiyeen in la dhimo wax soo saarka dhanka Shidaalka, waxaana dalalka ku bahoobay OPEC iyo wadamada kale ee shidaalka dhoofiya ku heshiiyeen in la dhimo 10 milyan oo barmiil maalinkii.

Qiimaha shidaalka ayaa ku yimid hoos u dhicii ugu balaarnaa ku dhawaad mudo 20-sano ah, waxaana dhimista wax soo saarka shidaalka looga gonleeyahay sidii uu mar kale sare ugu kici lahaa.

Isticmaalka Shidaalka ayaa hoos u dhac weyn ku yimid kadib markii inta badan wadamada caalamka bandow kusoo rogeen dadkooda si looga hortago caabuqa Caronavirus, waxaana meel la iska dhigay baabuurta iyo sidoo kale diyaaradaha.

 

- Advertisement -