Yuusuf Dabageed oo shaaciyey talaabo culus oo ay qaadayaan Maalmaha soo socda

Madaxweyne Ku Xigeenka Dowladda Hirshabeelle Mudane Yuusuf Axmed Hagar ayaa maanta gudoomiyay shirka amniga Gobolka Hiiraan oo maanta ka dhacay Degmada Maxaas.

Shirkan oo ay qeybgaleen qaar kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee deegaan doorashadoodu tahay Hirshabeelle, Xubno isugu jiray labada gole ee Dowladda Hirshabeelle, Maamulka Gobolka Hiiraan, Taliyaha Ciidanka Lugta ee Xoogga Dalka, Taliyaha Qeybta 27aad Ciidanka Xoogga, Taliyaha Guutada 5aad ee CXD iyo Saraakiiil kale, waxaana looga hadlay dardargalinta howlgalada lagu baacsanayo argagixisada cadowga ah ee alshabaab.

Madaxweyne Ku Xigeenka ayaa xusay in maalmaha soo socda la xoojinayo dagaalada ka dhanka ah Alshabaab si toos ahna loo wajaho deegaaanada ay kaga sugan yihiin Gobolka Hiiraan si looga dulqaado dhibaatada ay bulshada ku hayaan, isaga oo sheegay in al-shababa la gaarsiiyay jab xoogan dhowaana laga ciribtirayo guud ahaan deegaanada Hirshabeelle.

Madaxweyne ku Xigeenka ayaa u mahadceliyay Ciidamada iyo bulshada deegaanka oo is garabsanaya oo u istaagay is ka xureynta wax uu ugu yeeray kooxahaan cadowga ah ee u taagan xasuuqa umadda, waxa uuna intaas ku daray in howlgaladu ka socdaan deegaanada guud ahaan deeganaada Hirshabeelle.

Madaxweyne Ku Xigeenka ayaa bogaadiyay guulaha laga soo hoyay howlgalada ka socda deegaanada Gobolka Shabeellaha Dhexe waxa uuna ugu baaqay bulshada Hirshabeelle inay u istaagaan ka qeybgalka howlgalada lagu ciribtirayo alshabaab.

- Advertisement -