Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Sheekh Shaakir oo lagu soo dhaweeyay Madaxtooyada Galmudug (Daawo Sawirada)

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa xafiiskiisa kusoo dhaweeyay Sheekh Shaakir Cali Xasan oo horey u ahaa Madaxa Xukuumada Galmudug sidoo kale katirsanaa hogaanka Ahlu Sunna.

Sheekh Shaakir Cali Xasan iyo xubno kale oo la socday ayaa la geeyay Madaxtooyada Galmudug waxa uuna halkaasi kulan gaar ah kula qaatay Madaxweynaha aan wali la caleemo saarin ee Galmudug Axmed Qoor Qoor.

Labada dhinac ayaa kawada hadlay arimo dhoor ah ay kamid ahaayeen dagaalkii ka dhacay magaalada Dhuusomareeb iyo go’aankii kooxda Ahlu sunna uga baxday siyaasada Galmudug iyo is dhiibidooda.

Sida aan wararka ku helnay Madaxa Xukuumada iyo Madaxweyne Qoor Qoor ayaa isla soo qaaday sidii looga gudbi lagaa shaqaaqadii dhacday ayna labada dhinac uga wada shaqeyn lahaayeen xasiloonida Galmudug.

Madaxweynaha Galmudug ayaana siyaabo kala duwan u qaabilay Hogaamiyaha Ahlu Sunna Macalin Maxamuud iyo Sheekh Shaakir, waxaana kulamadan imaanayaan xili Hogaanka ahlu sunna awood ahaan laga adkaaday iskuna dhiibeen ciidanka dowlada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Saciid Ciise: “Xassan Shiikh waa inuu ka fiirsadaa tegida Garowe sababtoo ah..”

Caydiid Ali

Nabadoon caan ah sidoo kale xil hayay oo lagu dilay Muqdisho iyo Faah faahino kasoo baxaya

Cabdi Cade

Cumar Filish oo dhagax dhigay dhismaha Mashaariic laga hirgelinayo Muqdisho (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---