Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Taariikh Nololeedka Gudoomiye ku-xigeenka cusub ee Maamulka G/Banaadir

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xeer uu soo saaray ku magacaabay Mudane Ibraahim Cumar Mahad Alle (Ibraahim Dheere) inuu noqdo Guddoomiye K/Xigeenka Arrimaha Maamulka Maaliyadda ee Gobolka Banaadir.

Sida ku cad taariikh nololeedkiisa Mudane Ibraahim Dheere wuxuu ku dhashay magaalada Beledweyn ee Gobolka Hiiraan sanadkii 1975-kii.

Waxbarasha Hoose iyo Dhexe wuxuu ku qaatay Dugsiga Axmed Warsame ee isla Beledweyne, waxbarasha ka horreysa heerka Jaamacadda ee u dhiganta Dugsi Sare wuxuu ka dhigtay dalka Holland.

Shahaadada 1aad ee Jaamacadda wuxuu ku diyaariyay Culuumta Maamulka iyo Xisaabaadka, wuxuu lasoo shaqeeyay Hay’adda UNPOS, isagoona la-taliye kasoo noqday Unuggii Siyaasadda ee Villa Soomaaliya intii u dhaxeysay 2013-2015).

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowladda Soomaaliya oo Canshuur cusub soo rogtay

Cabdi Cade

RW Netanyahu oo sheegay xiliga la soo afjarayo howlgalka ay ka wadaan Gaza

Caydiid Ali

Xassan Shiikh oo Qaahira kula kulmay Caadil Bin Abdulrahman Al-Casoomi (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---