Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Weeraro lala beegsaday goob hubka lagu keydiyo oo ku taalla Sacuudiga

Kooxda Xuutiyiinta ee dalka Yemen ayaa maanta sheegay inay weerareen keyd hub oo ku yaalla magaalada Koonfureed ee Najran ee dalka Sacuudiga.

Afhayeen u hadlay isbahaysiga Sacuudiga uu hoggaamiyo ee Xuutiyiinta kula dagaalamaya Yemen ayaa sheegay in weerarkan lagu fuliyey diyaarado aysan cidno wadin oo siday walxo qarxa, isla markanaa lala beegsaday goob ay dadka rayidka adeegsadaan.

Warbixinta dowladda Sacuudiga ma aysan sheegin wax khasaare ah oo ka dhashay weerarka.

Mas’uuliyiinta Sacuudiga ayaa sheegay isniintii inay dhexda ka qabteen laba gantaal oo maleeshiyada Xuutiyiinta soo tuureen. Labada gantaal, oo la sheegay inay ku wajahnaayeen Makkah ayaa laga kala qabtay hawada magaalooyinka Taa’if iyo Jeddah, balse Xuutiyiinta ayaa beeniyey inay wax gantaal ah ku tuureen Makkah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Khasaare lixaad leh oo ka dhashay dabkii ka kacay Isgoyska Benaadir (Sawirro)

Caydiid Ali

Cali Dheere oo ka hadlay qorshe Ciidamo cusub oo Itoobiyaan ah dalka lagu soo gelinayo

Cabdi Cade

Khayre oo Qaabilay Maamulaha Guud ee Guddiga Badbaadada Caalamiga (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---