Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Khasaare lixaad leh oo ka dhashay dabkii ka kacay Isgoyska Benaadir (Sawirro)

Khasaare xoogan ayaa ka dhashay dab xalay ka kacay goobo ganacsi oo ku yaalla isgoyska Benaadir ee magaalada Muqdisho kaasoo dhulka la simay goobo ganacsi iyo dhismeyaal kale oo halkaas ku yiilay.

Ganacsatadii laheyd Goobaha Ganacsi ee gubtay ayaa sheegay in dabku ka bilowday Koronto kadibna uu ku fiday dukaamadii halkaas ku yiilay oo dhan.

Gawaarida gurmadka deg-dega ah iyo dab damiska ayaa xalay gelinkii dambe ku guuleystay iney demiyaan dabku halkaas kacay oo aad u baaxad weynaa.

Qaar ka mid ah Ganacsatadii laheyd Suuqa uu dabka ka kacay ayaa sheegay in dhamaan hantidoodii uu dabka baabi’iyay, isla markaana aan lagu guuleysan in waqti kooban lagu demiyo dabka.

Related posts

Madaxweyne Deni oo dhiirageliyey ciyaartoy ku soo wajahan Muqdisho (Sawirro)

Caydiid Ali

Wafdi ka socda Beesha Caalamka oo kusii jeeda Kismaayo iyo xaalad Cakiran oo…

Cabdi Cade

Doorashada Somalia Ma waxaa ku hordamaya Farmaajo & danwadaagta Yurubta Galbeed?

Cabdi Cade
Taboola Ads ---