Golaha Wasiirada oo kulan ku yeeshay Muqdisho & qorsheyaal la hor dhigay (Sawirro)

Shirka Tubta horumarinta arrimaha bulshada ee golaha Wasiirada ayaa lagu qabtay xarunta Madaxtooyada Somalia, waxaana shir gudoominayey raisul wasaaraha xukuumada Somalia.

Wasaaradda gargaarka iyo maaraynta musiibooyinka XFS ayaa shirka Tubta horumarinta arrimaha bulshada waxa ay ugu soo bandhigtay qorshaha loogu gurmananayo hadii ay abaaro ka dhacaan deegaannno kamid ah dalka.

Wasaaradda ayaa samaysay guddi ka kooban sagaal wasaaradood oo xukuumadda kamid ah iyo wasaaradaha gargaarka maamul gobaleedayada, si dhaqsa loogu gurman karo hadii ay abaaro dhacaan.

Shirka ayaa waxaa sidoo kale lagu soo ban-dhigay siyaasadda dalxiiska oo ay oo diyaarisay wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska.

Xukuumadda federaalka Soomaaliya oo mas’uuliyad gaaar ah iska saaraysa mawaadiniinta Soomaaliyeed ayaa waxa ay guddiga gurmadka abaaraha uga hor tegeysaa in la sameeyo guddiyo deg deg ah kadib marka ay dhibaato dhacdo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -