Dowlada Soomaaliya oo Baaq xasaasi ah u dirtay shacabka & Warbaahinta Gudaha

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukumada Federaalka ee Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa warbaahinta iyo Shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay midnimo muujiyaan, si buu yiri looga adkaado kuwa doonaya inay na daciifsadaan ee xooga is bidaya.

Maareeye ayaa sida muuqata hadalkan ula jeeday dowlada Kenya oo xiisad diblomaasiyadeed ay kala dhexeyso Somalia.

“Shacabka Soomaaliyeed waxaa la gudboon in Dowlada Soomaaliya ay garab istaagaan” ayuu yiri wasiirka oo la hadlay warbaahinta dowlada Soomaaliya.

Dowlada Somalia ayaan weli jawaab rasmi ah ka bixinin ficilada xaalad abuurka ah ee ay ku dhaqaaqday Kenya ka dib markii ay viisaha dalkeeda u diiday iney siiso masuuliyiin iyo xildhibaano Soomaali ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -