Axmed Madoobe oo la kulmay Wefdi uu hogaaminayay Francisco Madeira (Daawo Sawirada)

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa Aqalka Martida maanta oo Talaado ah ku qaabilay Safiirka Midowga Afrika ee Soomaaliya Francisco Caetano Madeira, iyo Taliyaha AMISOM Tigabu Yilma Wondimhunegn iyo Masuuliyiin kale.

Kulan gaar ah kadib waxaa Saxaafada la hadlay Madaxweynaha iyo Danjire Madeira.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa sheegay in la isku raacay sidii howlgalada amniga loo xoojin lahaa iyadoo la isku furayo wadooyinka ay xireen kooxda Al-Shabaab.

Wuxuu intaas ku daray in Arimaha doorashooyinka la isla soo qaaday la iskuna raacay in Hay’adaha Amniga Jubbaland ay ku filan yihiin sugida Amniga Doorashooyinka.

Safiirka Midowga Afrika ee Soomaaliya Francisco Caetano Madeira ayaa sheegay in howlgalka AMISOM uu qorshaynayo sidii Ciidamada Soomaalida loogu wareejin lahaa Amniga dalka waxaa uu intaas ku daray in wararka la isla dhexmarayo ee la xiriira in is badal lagu sameeyay Ciidamada AMISOM ee jooga Jubbaland ay yihiin waxba kama jiraan dhamaana ay ahaan doonan sidii ay markii hore u howlgalayeen.

AMISOM ayuu wakiilku sheegay in ayna faraha la galaynin Arimaha doorashooyinka wixii kaalmo ah ee Jubbaland ay uga baahatana ay la garab taagan yihiin wuxuu xusay in ay rajaynayaan in doorasho xalaal ah ay ka dhacdo Jubbaland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -