Faahfaahin: Qaraxii lagu burburiyey xaruntii Maamulka degmada Hodan (Daawo Sawirro)

Faahfaahino ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax weyn oo goor dhow ka dhacay magaalada Muqdisho kaasoo lala beegsaday xarunta maamulka degmada Hodan.

Qaraxa oo ahaa mid ismiidaamin ah oo loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyey ayaa la sheegay inuu geystay khasaare isugu jira dhimasho, dhaawac iyo burbur xoog leh.

Gaariga ayaa la sheegay inuu gaaray kuna qarxay bartamaha xarunta maamulka degmada Hodan xili halkaasi ay ka socdeen howl maalmeedka caadiga ah ee degmadaas.

Goob-joogayaal ayaa sheegaya iney arkeen meydadka illaa shan qof iyo dhaawaca tiro kale oo goobta laga qaadayo, kuwaasoo isugu jiray askar iyo shacab, iyadoo ay jiraan warar kale oo khasaaraha intaas ka badinaya.

Waxaa guud ahaan qaraxan ku burburay xafiisyadii xarunta maamulka degmada Hodan, waxaana sidoo kale khasaare xoog leh uu soo gaaray guryo ay leeyihiin dad shacab ah oo ku dhow xarunta degmada Hodan.

Dadweyne fara badan ayaa goobtaas gaaray sida ay muujinayaan muuqaalo la soo geliyey baraha bulshada kuwaasoo eegaya baaxada khasaaraha uu geystay qaraxan.

Degmada Hodan ayaa noqoneysa degmadii labaad magaalada Muqdisho ee xarunteeda qarax ismiidaamin ah lagu burburiyo muddo toban cisho ah gudahood, todobaad ka hor ayeyna aheyd markii weerar noocan oo kale ah lagu burburiyey xaruntii maamulka degmada H/wadaag.

Weeraradan ayaa u muuqda kuwo safmar ah oo Al-shabaab ay ku beegsaneyso xarumaha degmooyinka Muqdisho oo amaankoodu aad u liito, Marka loo eego sida xoogan ee loo ilaaliyo xarumaha waaweyn ee dowlada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -