Allbanaadir.com
NEWS

Muwaadiniin Soomaaliyeed oo caawa lagu dilay goob ganacsi ay ku sugnaayeen

Kooxo hubeysan oo burcad Koonfur Afrikaan ah ayaa caawa deegaanka  Phillipi oo hoos tagta Magaalada Cape Town ee Dalkani Koonfur Afrika, waxa ay ku dileen labo muwaadin oo Soomaali ah oo ku sugnaa goob ganacsi.

Sida aan wararka ku helnay kooxda burcada ah ayaa weerartay dukaan ay ku sugnaayeen labo wiil oo Soomaali ah, waxaana la sheegay burcada hubeysan in goobtaasi ku dileen labada wiil ay ku weerareen goobtooda ,kaddibna dhac u geesteen dukaanka.

Labada wiil ee Soomaalida ah ee caawa lagu dilay deegaanka hoostaga magaalada Cape Town ayaa magacyadooda kala ahaayeen Yuusuf Maxamed Taakow iyo Maxamed Deeq Muxudiin , oo kamid ahaa dhallinyarada fir fircoon ee Cape Town kunoolaa.

Dilkan caawa dhacay ayaa imaanaya xilli maalmo kahor sidaan oo kale dhallinyaro Soomaaliyeed lagu dilay qeybo kamid ah dalka Koonfur Afrika, dilalka Soomaalida loo geesanayo ayaana noqday kuwa joogta ah oo aysan jirin cid wax ka qabaneysa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Donald Trump oo laga cabsi qabo in uu ka shifo Sir Muhiim ah marka uu baneeyo Aqalka Cad

Cabdi Cade

Maamul Cusub oo loo magacaabay Degmada Afgooye (Akhriso Magacyada)

Cabdi Cade

(Sawirro) Dibad-baxyo rabshado wata oo ka dhacay Itoobiya iyo dad ku dhintay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---