Dowlada oo Aamusnaan uga jawaabeysa ficilada ay ku dhaqaaqeyso dowlada Kenya

Dowlada Kenya ayaa ku dhaqaaqeysa ficilo iyo talaabooyin ka careesiinaya dadka iyo dowlada Soomaaliya, mana jirto ilaa hada wax jawaab ah oo kasoo baxay dowlada federaalka Soomaaliya oo ku aadan ficilada Kenya ku dhaqaaqday.

Kenya ayaa shalay viisaha dal ku galka u diiday masuuliyiin Soomaaliyeed, waxaa hadana maanta ciidamada amaanka Kenya baaris iyo xiritaan isugu dareen qaar kamid ah xawaalada Soomaaliyeed ee kuyaala Nairobi.

Dowlada Kenya waxa ay dhawaan joojisay duulimaadkii tooska ahaa ee Muqdisho iyo Nairobi, waxa ayna mar kale dib usoo celisay in diyaaradaha Soomaaliya ka taga kusii hakadaan magaalada Wajeer.

Talaabooyinkan cusub ay qaadey dowlada Kenya oo u muuqda mid siyaasadeed ayaan wali waxaan jirin wax jawaab ah ay kasoo saartay Xukuumada Soomaaliya, waxaana jawaabtii Dowlada laga sugayay noqotay kaliya aamusnaan.

Dadka siyaasada falanqeeya ayaa aaminsan in talaabooyinkan isdaba jooga ah iyo kuwa kale oo laga cabsi qabo in Kenya qaado looga gonleeyahay sidii dacwada badda Soomaaliya uga laaban laheyn wadahadalna looga gali lahaa arintaasi.

Shacabka Soomaaliyeed ayaa ka dhursugaya jawaabta ay dowlada Soomaaliya ka bixin doonto talaabooyinkan ay qaaday dowlada Kenya, waxa ayna dadka qaarkood aaminsan yihiin in dowlada arintan ka qaadan doonto go’aan liita ama aamusnaan xal u arki doonta.

Talaabooyinka dowlada Kenya qaadeyso ayaa abuuraya xiisad siyaasdeed iyo mid dhaqaale, waxaana laga cabsi qabaa in xiisadan saameyn badan ku yeelato Soomaali badan oo hanti badan ku heesata gudaha dalka Kenya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -