Dad badan oo aan Muslim aheyn oo lagu casuumay Masjidka Darul Faruuq (Daawo Sawirada)

Dad ku dhaw 200-qof aan muslim aheyn una badnaa cadaan ayaa lagu casuumay kana qeyb galay munaasabad afur ah oo lagu qabtay Masjidka Darul Faruuq oo kuyaal magaalada Bloomington ee gobolka Minnesota.

Dadka afurka lagu marti qaaday ayaa ahaa dad daris la ah Masjidka Darul Faaruuq, waxaana sameynta afurkan iska kaashaday maamulka masaajidka iyo ururka Islaamiga ah ee iskuullada magaaladaas.

Qaar kamid ah qaban qaabiyaasha kulanka afurka ah ee lagu marti qaaday dadka aan muslimka aheyn ayaa sheegay in ujeedku ahaa sidii dadkaasi loogu sharaxi lahaa Bisha Barakeesan ee Ramadaan iyo sidoo kale wanaaga diinta Islaamka.

Dadka aan muslimka aheyn ayaa todobadii qof oo kamid ahba waxaa lala fadhiisinayay qof Muslim ah si uu ugu sharaxo su’aalaha ay doonayaan sida diinta Islaamka ugu sharaxaan iyo su’aalo kale oo Soonka kamid yihiin.

Kulanka afurka ah waxaa sidoo kale kamid ahaa dadkii lagu casuumay qaar kamid ah madaxda iyo horjoogayaasha kaniisadaha ee kuyaala magaalada Bloomington ee gobolka Minnesota.

Muslimiinta kunool gobolka Minnesota  ayaa sheegaya in kulamada noocaan ah ay uga gol leeyihiin sidii ay sare ugu qaadi lahaayeen isdhexgalka bulshada iyo in ay dadka aan Muslimiinta ahayn ka wacyi galiyaan fikradaha nacaybka ku slaysan ee ay ka aaminsan yihiin dadka Muslimiinta ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -