Muuse Biixi oo Shaaciyay in Caalamku garwaaqsaday in ay kala Go’aan Soomaaliya iyo Somaliland

Madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo maanta khudbad dheer ka jeediyay Xuska Munaasabada 18-ka may ayaa ka hadlay wadahadalada Soomaaliya iyo Somaliland iyo rajada ay ka qabaan in dowlad gooni ah noqdaan.

Waxa uu sheegay Muuse Biixi in wadamada caalamka badankood ay garwaaqsadeen in lakala gooyo Soomaaliya iyo Somaliland, waxa uuna xusay in maamulkiisa diyaar u yahay in Mushkilada Soomaaliya iyo Somaliland lagu xaliyo wadahadal.

”Waxa muuqata in caalamka badankiisu garwaaqsaday in la joogo wakhtigii la kala guri lahaa Somaliland iyo Somalia, Somalialand waxay go’aansatay siyaasadda ah in mushkiladda lagu xalliyo si nabad ah iyo wada- hadal, mar walba waxaannu ka fogaanaynaa wixii keeni kara xasarad iyo colaado hor-leh” ayuu yiri Muue Biixi.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ku eedeeyay Koonfurta Soomaaliya gaar ahaan Dowlada xarunteeda tahay Muqdisho in dhibaato gaarsiiyeen 30-kii sano ee labada gobol midesnaayeen, waxa uuna xusay in taasi uga daran tahay mida wali la daba joogaan ee ah in aysan kala go’eyn labada gobol ee Waqooyi iyo Koonfur.

”Dadka maanta Muqdisho ka taliya waxa aannu leenahay intii aad Somaliland gaadhsiiseen dhibaato soddonkii sano ee aynnu midaysnayn waxa ka culus oo nagaga khasaare badan siddeed iyo labaatanka aynnu kala maqnayn ee aad lahaydeen ma xoroobi karaan, ma ictiraafayno iyo waa qayb naga mid ah, lafta kala bogsatay la iskuma kabo, dadka soddonka sano kala maqnaana wa ayo cidda leh waan isku keenayaa, danta Somaliland iyo Afrika iyo adduunkuba waxa ay ku jirtaa inay labadaas noqdaan laba dal oo walaalo ah”.Ayuu yiri Muuse Biixi.

Maamulka Somaliland ayaa wali ka quusan in ay ka go’aan Soomaaliya inteeda kale ayna noqdaan dal madax banaan, waxaana Somaliland aqoonsigeeda lagu xiray in wadahadal la galaan Soomaaliya kana heshiiyaan gooni isku taagooda.

 

- Advertisement -