Madaxweyne Qoor Qoor oo saxiixay Miisaaniyada cusub ee Galmudug (Sawirro)

Madaxweynaha maamulka Galmudug ayaa xalay munaasabad casho sharaf ah u sameeyay Xildhibaanada dowlad Goboleedka Galmudug oo dhawaan ansaxiyay miisaaniyada uu sanadkan ku shaqeenayo maamulkaasi.

Madaxweyne Axmed Kaariye Qoor Qoor ayaa Xildhibaanada Galmudug uga mahad celiyay meel marinta miisaaniyada ay soo gudbisay Xukuumada, waxa uuna sheegay in miisaaniyadan ka badan tahay tii hore.

Ugu Dambeyn Madaxweynaha maamulka Galmudug ayaa goobta ay ka socotay munaasabada mahad celinta ku saxiixay Miisaaniyada ay meel mariyeen golaha Wakiilada Galmudug.

Miisaaniyada cusub ee Galmudug ayaa gaareysa 17,230,054.00 ( todobo iyo toban malyan, laba boqol iyo soddan kun, iyo konton iyo afar doolar) , miisaaniyadan ayaana ka badan tii sanadkii hore oo aheyd 8-Milyan oo Dollar.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -