Xildhibaan Kenyan oo ka soo horjeestay joogitaanka C/rashiid Janan ee Mandhera

Xildhibaan ka tirsan Baarlamanka Kenya oo laga soo doorto Bariga Mandhera Cumar Maxed Macallin ayaa sheegay in dadka degaankiisa ay cabsi soo foodsaartay, kaddib markii ay fariisimo ka dhigteen ciidamada Wasiirka amniga ee Jubbaland, C/rashiid Xasan Cabdinuur (Janan) oo baxsad ka ah dowlada Somalia.

Xildhibaan Cumar ayaa waxa uu dowladda Kenya ku eedeeyay inay fariisin ciidan siisay ciidamada Cabdirashiid Janan, arrintaasoo uu sheegay inay halis gelinayso amniga degaanka Bariga Mandhera.

“Halkan ma ahan Soomaaliya oo waa Kenya dhexdeeda, marka ciidan aan Kenyan ahayn oo waddankoodii ka soo carayay iyagoo qoryahoodii wata yimaadaan Kenya wax dhaci kara maahan, haddii ciidan waddan kale uu ka soo cararo sida nidaamka ah waa in qoryaha iyo hubka ay wateen laga dhigo ee ma ahan in shacabka dhexdiisa la dejiyo” ayuu yiri xildhibaanka.

Waxaa uu dowladda Kenya ku eedeeyay in ciidamadeeda ay garabsiinayaan ciidammada Cabdirashiid Janan.

“Dadkan ma ahan dad meesha xoog ku degan, dowladda Kenya way ka war heysaa garabna waysiinaysaa, weyna iska cadahay arrintaas.” ayuu yiriĀ Cumar Maxed Macallin.

Hadalka xildhibaanka ayaa yimid xili maalmihii ugu dambeeyay magaalada Beled-Xaawo ee gobolka Gedo ay ka taagnayd xiisad u dhaxeysa ciidamada dowladda Soomaaliya iyo ciidamo daacad u ah wasiirka amniga ee Jubaland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur (Janan) oo gabaad ka dhiganaya degmada Mandhera.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -